Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay sababta gaabisku ugu yimid dagaalka al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in roobabka ka da’aya qaybo badan oo ka mid ah dalka ay si saameyn ugu yeesheen dagaalka dowladdu kula jirto al-Shabaab oo hadda u muuqda mid gaabis ah marka la barbar dhigo sidii uu ku socday maalmihii hore.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dagaalku aanu istaagin hase-yeeshee maalmahaan ay u muuqato in ciidamada dowladda iyo kuwa al-Shabaab kala nasteen roobabka awgood.

Wuxuu sheegay raysal wasaare Xamse Cabdi Barre in weerarardii iyo dagaalladii ka dhanka ahaa al-Shabaab ee ciidamada dowladdu qaadi jireen aaney maalmahaan jirin isagoo sababta ku sheegya daadadka iyo fatahaadaha ku dhuftay qaybo badan oo dalka ka mid ah.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa tilmaamay in hadda qorshuhu yahay in la soo gabagabeeyo wajiga koowaad ee dagaalka lana bilaabo kan labaad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker