Madaxweynaha Dalka Fanusweella mr Maduro oo qoranaya Ciidamo ku dhaw 1 malyan
Madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro ayaa ballan qaaday inuu howl gelin doono ciidan cusub oo tiradoodu ay gaareyso hal milyan inta lagu guda jiro sannadkan.
Maalintii Sabtida ahayd ayaa waxaa uu sheegay inuu tirada milatariga dalkiisa oo hadda ah 2 milyan uu ka dhigi doono 3 milyan oo askari, ka hor inta aan la gaarin bisha Disembar.
Dhammaan ciidanka la qorayo ayaa laga soo saari doonaa maleyshiyaad keyd ah oo u diyaarsanaa dalkaas, waxaana intooda badan lagu sheegay in da’dooda ay ka sarreyso 50 sano.
Madaxweynihii hore ee Venezuela Hugo Chavez ayaa ciidankan keydka ah diyaariyay markii uu xukunka hayay.
Sannadkii 2007-dii ayuu Chavez dhisay ciidankaas, waxayna u dhaarteen inay dalkooda difaaci doonaan haddii lasoo weeraro.
Hadda sababta loo hadal hayo ayaa lagu sheegay inay tahay digniino kaga yimid dalka Maraykanka.
Waxay mas’uuliyiinta Venezuela sheegeen in arrintan ay ka leeyihiin qorshayaal badan, oo uu ka mid yahay haddii loo baahdo hawlgallo ciidan.

Doris, waa 53 jir waxa uuna diyaar u yahay inuu ka qayb galo ciidanka la dhisayo.
“Haddii dagaal lagu soo qaado dalkayga waan u hurayaa naftayda. Waligay ma anaanan noqon wax aan askari ka ahayn”, ayuu yiri Doris.
“Uma ogolaan doono in ciidamo shisheeye ay halkan yimaadaan oo ay na bahdilaan”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Inta badan dadka mutadhawiciinta ah ee raba inay ka qayb galaan arrinkan ayaa ah kuwa muddo dheer soo ahaa ciidamo keyd ku jiray.
“Waan jeclahay gurmadka qaran, sababtoo ah ma ahayn wax aan sameeyay markii aan yaraa. wixii hadda ka horreeyay xitaa nalama tirsan jirin. Aad baan ugu qanacsanahay arrintan”, ayuu yiri Chavez sharaf.
“Donald Trump faraha kala bax Venezuela, damacaaga gumeysi meel kale la aad”, ayuu si caro leh u yidhi.
Balse dad ayaa aaminsan in ujeedka loo qorayo maleyshiyaadkan uusan ahayn difaaca dalka, balse ay yihiin kuwo lagu difaacayo madaxweyne Nicolas Maduro.
Gaardiska ciidankan waxaa ka qeybgalaya madaxweynaha, waxa uuna qorsheynayaa in uu tiradooda sii kordhiyo