Guddoomiyaha Xisbiga WADDA-JIR Ee Somaaliya Oo Ka Hadlay Doorashadda Golaha Wakiiladda Ee Somaliland.
ogaamiyaha Mucaaridka Somalia Ee WADDA-JIR Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Ayaa Ka Hadley Doorashaddii Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda Somaliland Qoraal uu Bartiisa Facebooga ku qorey ayuu Yidhi:-
“Runtii waa biseyl siyaasadeed iyo bilow fiican oo dimoqoraaddi ah in Xisbiga talada haya Doorashaddii, maayarkii Hargeysa iyo guddoonkii Baarlamaanka looga guulaysto, haddana madaxweynihii talada hayey uu hambalyeeyo. Innagu weli waxaynu joognaa doorasho dadban oo weliba qaarkeed tartanka la iska reebayo.
Hambalyo guddoonka cusub ee Baarlamaanka Somaliland. Madaxweyne Biixiyow kuwa Muqdisho isku eryanaya waa walaal wax ka halaysan yihiin ee ma aha cadowgaaga ugu wayn”.