Dowladda dil toogasho ah ku fulisay Lamaane aroos ahaa.

Dowladda Shiinaha ayaa dil toogasho ah ku fulisay lamaane si xun u dilay labo caruur ah,ayaga oo ka tuuray daaqadda guri dabaq ah.

Zhang Bo aabaha dhalay carruurta iyo Ye Chengchen ayaa horay loogu helay dambiga ah inay dileen gabar laba jir ah iyo wiil hal sano jir ah sanadkii 2020-kii.

Zhang waxa uu xiriir jecel la bilaabay Ye, ka dibna waxa uu furay xaaskiisii hore, isaga oo dilay caruurtiisa.

Maxkamadda Sare ee Shiinaha ayaa ku tilmaantay lammaanaha “kuwa naxariis darada”

Lamaanahan ayaa Arbacadii lagu toogtay magaalada Chongqing ee koonfurta-galbeed ee dalkaasi.

Ma cadda sida loo fuliyay xukunka dilka ah, inkastoo xukunnada dilka ah ee Shiinaha ay inta badan ku fuliso duritaan ama toogasho.

Dilka lamaanaha ayaa imaanaya ayada oo sidoo kale dil lagu fuliyay arday jaamacadeed oo caan ka ahaa dalkaasi lagauna magacaabi jiray Wu Xieyu kaas oo lagu helay dambi ah in uu dilay hooyadii 2015-kii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker