Waxbarashadu ma kharash baa mise waa maalgelin?

Waxbarashadu waa habka ugu fudud ee dal horumar ku gaadhi karo. Dal kastaa sida waxbarashadiisu tahay ayuu u ekaadaa. Waxbarashadu waa sida kaliya ee looga bixi karo faqriga iyo nolosha adag. Odhaahyadaas iyo qaar la mid ah waxaad si joogto ah ugu arkaysaa cilmi baadhisyada; warbixinnada; qoraallada iyo buugaagta laga qoray horumarka bulshooyinka.

 

Waxbarashadu waxay ka mid tahay adeegyada aasaasiga ah ee dawladuhu siiyaan dadkooda. Waxaana la caddeeyay dalba dalka uu ka badan yahay miisaaniyadda uu u qoondeeyo waxbarashada wuu ka horumarsan yahay. Ugu yaraan waxaa laysla qaatay in 20% miisaaniyadda dawladda loo qoondeeyo waxbarashada si dalkaasi ujeedooyinka uu waxbarashada ka leeyahay u gaadho. Wali ma iswaydiisay miisaaniyadda waxbarashadu boqolkiiba intay ka tahay dalkeenna?.

 

Waxyaabaha la yaabka ah waxaa ka mid ah iyada oo dalka ay ka jiraan in ka badan 30 Jaamacadood oo bixiya heerarka kala duwan ee shahaadooyinka aqoonta ee sarsare, iyada oo sannad walba dalka ay ka qalinjabiyaan kumannaan arday oo bartay noocyada aqoonta iyo heerarka kala duwanba haddana inaanay samaynin cilmi baadhisyo iyo warbixinno ku saabsan faa’iidada aqoonta iyo xallinta dhibaatooyinka bulsho ahaan ina haysata. Waa laga yaabaa in arday kasta oo dhammaynaya jaamacad kastaa inuu diyaariyo buugga qalinjabinta oo ku saabsan qaybta uu dhigtay, laakiin waxaa iswaydiintu tahay cilmi baadhisyadaas iyo buugaagtaas qaran ahaan muxuu inagu soo kordhiyaa, marka laga tago in ardaygaasi shahaado ku qaatay?.

 

Culimada waxbarashada iyo kuwa dhaqaalaha/siyaasadda waxaa ka dhex jirta doodo waawayn oo ku saabsan waxbarashadu ma kharsh baa mise waa maalgelin?. Qolo kastaa waxay doodooda ku ladhayaan caddaymo iyo xogo aasaaskoodu yahay aqoon ta ay leeyihiin iyo sida ay wax u arkaan. Qolada aan ka mid ka ahay waxay aaminsan yihiin in waxbarashadu maalgelin tahay, waliba maalgelinta ugu wanaagsan ay tahay ee dad lagu maalgeliyo. Iyada oo la isticmaalayo xeerarka iyo habraacyada maalgashiga waxaa la soo saari karaa $1 kasta oo waxbarashada lagu maalgeliyo in uu jirayo lacag go’an oo ku soo noqonaysa dalka xilli go’an. Intaas waliba waxa dheer faa’iidooyin kale oo laga helayo maalgelinta waxbarashada oon lacag ahayn. Ugu danbayntii waxaan soo jeedin lahaa in cilmi baadhisyo iyo warbixinno laga diyaariyo arrimaha la xidhiidha waxbarashada iyo arrimaha bulshada ee kale.

 

Waxbarashadu waa IFTIIN.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Cabdifataax Rashiid Maxamed

Hargeysa, Somaliland

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker