Shan Carruur Ah Oo U Geeriyootay Madfac Ku Dhacay Gurigooda magaalad Boosaaso

Waxaa isa soo taraya khasaaraha iyo saameynta ka dhalatay dagaalka seddaxda maalin qaatay ee ka dhacay magaalada Boosaso ee xarunta ganacsiga maamul gobaleedka Puntland.

Wararka   magaalada Boosaso ayaa sheegaya in Said siidow oo ah Madaxa cunto kariyayaasha shirkada wadaagsan ee Dhisaysa Dekeda Garacad ay dagaalka Boosaaso ka dhacay uga dhinteen 5 carruur ah oo seddax kamid ah uu dhalay iyo laba uu adeer yahay, kadib markii guri ay daganaayeen uu ku soo dhacay madfac.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay hooyada dhashay carruurtaas ay soo gaadhay caafimaaddaro maskaxeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker