Soomaaliya iyo Itoobiya oo iska kaashanaya amniga iyo la dagaalanka Al-shabaab

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey inay iska kaashadaan amniga xuduudka labada dal, kaddib kulan dhexmaray mas’uuliyiinta arrimaha dibadda ee labada dal.

Magaalada Lusaka ee dalka Zambia waxaa ka dhacay shirka caadiga ah ee 41-aad ee golaha fulinta ee dalalka xubnaha ka ah ururka Midowga Afrika, kaasi oo dhex maray wasiirrada Soomaaliya iyo Itoobiya, Balal Maxamed Cismaan iyo Demeke Mekonen.

Sida lagu sheegay war-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen labada wasiir waxa ay kaga wadahadleen arrimaha labada dal iyo arrimaha nabadda iyo ammaanka geeska Afrika.

Wasiir udowlaha arrimaha dibadda Soomaliya, Balal Cismaan, ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu ahmiyadda koowaad siiyay nabadda, iyo sii wadida wada shaqeynta ay la leeyihiin dowladda Itoobiya.

Wasiirka ayaa xusay in loo baahan yahay in la xoojiyo iskaashiga labada dal si loo burburiyo awoodda kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa dhankiisa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Soomaaliya ay si guul ah uga qabsoonto doorashooyiinka barlamanka iyo madaxtooyada.

Waxa uu tilmaamay in labada dal ay sare u qaadaan dadaalkooda, gaar ahaan la dagaalanka Argagixisada, isagoo dhanka kale xusay dhinacyada kala duwan ee ay iska kaashanayaan labada dal.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker