Taliyaha Ciidanka Booliiska Sanaag Oo ka Hadlay 4 Askari Oo la Sheegay In Ay Kufsi ka Gaysteen Ceelafweyn

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Sanaag Gaashaanle Dhexe Salebaan Ducaale Ubax Leh oo sheegay inay eedaysanayaashasi xidhan yihiin,isla markaana la hor-geyn doonno Maxkamadda “ Dembigaa afarta askari loo haystay gacanta ayaa lagu hayaa baadhistuna wey socotaa, arrintaa ay sheegtay gabadhaas wax ka dayacan iyo caddaalad darro kaga dhacday ma jirto inantaa dayarta ah cidii ay tidhi dambigaas ayey iga gashay wey xidhan yihiin Maxkamadda sharciga ahna waa la hor-geynayaa.”

Taliyaha ayaa intaas ku daray “ Waxa weeye arrintaa ay gabadhaas war-baahinta marisay waa arrin aan sal iyo raad toona lahayn ,waxa aanu leenahay ka joogsada inantaa ciddii dembiga ka gashay wey xidhan tahay sharcigana waa la horgeenayaa,dembigaa cidii lagu tuhunsan yahay wey xidhan yihiin waana Maxkamadda sugayaal waanan horkeeni doonna cidii dembiga loo haystay kiiskii oo dhammaystiran.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker