Gabadh Qaxooti ah oo isku gubtay dalka Sweden & sababta?
Sida ay shaaciyeen Booliska Sweden gaar ahaan qeybta Borlänge gabadh ku sugneyd xarunta socdaalka ee magaaladaasi ayaa isku dayday in ay is gubto oo ay nafta is dhaafiso.
gabadhan ayaa isku shubtay shidaal kadibna bilowday in ay dab isku gubto sida ku cad warbixinta booliska oo gaadhay xaruunta laanta socdaalka ee Borlänge hase ahaatee waa laga gaaray.
Booliska oo gaadhay goobta ayaa haweeneyda ka codsaday in aanay is gubin inkastoo ay ka madax adeygtay waxayna ugu dambeyn ku guuleysteen iney badbaadiyaan.
ka hor inta aanuu booliska gaadhin goobta telefashinka Dowlada SVT ayaa baahiyay jiritaanka warkan iyo in uu jiro qof doonaya in uu osgubo ama isdilo.
Wararka ayaa sheegaya in gabadhan oo ka mid aheyd qaxootiga magangelyo doonka ah loo diiday sharciga dalkaas, taasoo sababtay isku dayga la xidhiidha inay is disho.
Marka la eego xaalada sharciyada wadankaas ee laanta socdaalka mararka qaar waxaa dhaca dhibaatooyin la xidhiidha dadka is dila kuwaasoo dareema xanuuno dhanka maskaxda oo ka dhasha sharciyada loo diido.