Maxaa Ka jira In Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Uu Ku Soo Wajahan Somaliland?

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa la filayaa inuu berito soo gaadho Somaliland.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar iyo wefdigiisa, ayaa ujeedka socdaalkoodu salka ku hayaa sidii ay uga qayb geli lahaayeen xadhig ka jarista dekedda Berbera oo dib u casriyeyn lagu sameeyay.

Waxaana lagu wadaa in wefdiga Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ay subaxa hore ee berito soo gaadhaan magaalada Hargeysa halkaasi oo uu uga sii gudbi doonaan magaalada Berbera.

Sidoo kale, waxaa magaalada Hargeysa soo gaadhay maanta wefti wasiiro ah oo ka socda dowlad deegaanka Soomaalida.

Wefdigan wasiirada ah ee dowlad deegaanka waxaa soo dhaweeyay wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Geesta kale, madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaadhay magaalada Berbera, si uu xadhiga uga jaro dekedda Berbera oo dib u casriyeyn lagu sameeyay.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker