Wiil arday ah oo lagu dilay magaalada Johannesburg

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in arday jaamacadeed lagu dilay mid kalena uu dhaawac halis ah kasoo gaaray rasaas habow ah, kadib markii rag hubeysan ay toogasho ku dileen labo nin oo saarnaa gaari la dhigay waddo mashquul ah oo u dhow bartamaha magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Ardaydan ayay rasaasta habowga ah haleeshay kadib markii baskii ay wateen uu marayey goobta ay toogashadu ka dhacday.

Ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay.

“Labada nin ee gaariga saarnaa iyo hal arday ayaa la sheegay inay dhinteen halka ardaygii kale loo qaaday isbitaalka ugu dhow si loogu daweeyo,” afhayeenka bilayska Col Dimakatso Nevuhulwi ayaa  sheegay mar uu ka hadlayay sida ay wax u dhaceen galabnimadii Khamiista.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker