Geedkii Buurta Daallo iyo Afkaartii Ku Xeernayd

Ruuxu marka uu gaadho darajo ama uu hantiyo guul, ma qoslo ee qofkaasi waaba uu ilmeeyaa sida qaalibka ah.  Haddaba qofku marka uu qoslayo maxaa sababa qixiqixidaas?

 

Qofku marka uu qoslayo, inta badan waxa jira jab iyo kuf haleela ruux kale, isagu ha u dhigo suuldaaro ama yuusan u dhiginne, waa markaa xiliga uu qosolku yimaadaa.  Qosolka inta badan waxa lagu arkaa siyaasiyiinta. Hadda gara’o waana siyaasiyiinta dadka ugu farxadda (tranquility) yar basharka, waana iyaga dadka ugu qosolka badan insaanka.  In aad siyaasiyiinta ka qosqoslin kartaa, waaba xeelad saamaxda cimridherer laga gaadho mihnada siyaasadda.

 

Aan usoo leexdo gumacaygu saaka barta uu ku jihaysan yahay.  Maalinkii dhawayd ee baraha bulshada uu qabsaday Geedkii Buurta Daallo, waxa aan halacsanay raggii geedka jarayey oo qoslaya.  Sidoo kale waxa ina saaqday baroordiiq loo sameeyey geedkaas buurta ka laalaaday.

 

Qolyaha dambe ee tacsidu u taalay, qaar waxa ay isdhaafsadeen “samir iyo imaan” iyo “Rabbi ha u naxariisto marxuumkaas”.  Bal haddaba labada kooxood ee mid ilmadu ka qubatay iyo qolada kale ee mushxaradda is hayn weydey, aynnu maanta wax iska wayddiinno abtirsiinta dareenkooda.

 

Labada kooxood waa isku hal qoys, waa isku isir. Qosykaa is haraatiyey waxa ay nolosha ku qiimeeyaan “farxad korodhay iyo culays yaraaday”. Magaca guud ee loo yaqaan waa “Utilitarianism” .  Waxa ay dareen ahaan kasoo tafiirmeen Epicure.  Awoowgoodna waa Thomas Hobbes – waana dareen xooggan oo si fudud dadka u saaqa.

 

Hobbes, mar uu ka hadlayey farxaddaada siyaadso oo dhibka yaree, waxa laga soo xigtay in uu yidhi:  Haddii markab uu ku quuso bad ku taal hortaada, miyaanay daawasho wacan ahayn muuqaalka aad fiirsanaysaa maalinkaas.  David Hume, ayaa isna dhanka kale ka istaagay dareenka noocaas ah oo yidhi:  mar haddii dhibaato gaadhay qof Aniga oo kale ah, waan ka damqanayaa sidiiyoo ay Aniga igu dhacday mushkiladdaasi – ax, bal kawaran jugtaas oo i haleeli lahayd Aniga?   Waa cayn iyo beyd meel ku wada yaal labada dareen.

 

Geedka aan usoo noqdo iyo dareenka labada kooxood.  Qolo waxa ay kordhiyaan farxadda (pleasure) oo waxa ay jareen geedkii isaga ahaa, si geedkaasi (hal geed oo geed ah) uusan u galaafan nolosha walalaheenna yaryar (insaan ah oo badan).

 

Qolada kale, waa ay damqadeen, oo waxa ay ka jidhidhicoodeen geedkaas gacanta ka xaqdari qudha ka jartay (waa sida ay hadalka u dhigeenne).  Markii la wayddiiyey “waar geedka buurta ka laalaadaa muxuu tarayey?”  Waxa ay dheheen “buurta ayuu u ahaa qurux” iyo/ama “geed buu ahaa diiday in uu hagaaso oo muujiyey kartida uu ku noolaan karo”.  Halka dambe waxa ay ka hadlayaan adkaysi “resilience”.  Bal dayeey, sida uu adhaxda isaga goday ee uu falaadhaha cadceedda u baacsannayey – wow, what a genius, oh my goodness, look at this.  Blabla blabla bla.

 

Miyirqab (afkii Muuse Biixi) haddii aynnu usoo noqonno, geedka waxa buurta ku beeray Illahay, kolayba geedku cimri buu leeyahay oo maalin maalmaha ka mid ah wuu rawaxi lahaa.  Haddii raga qiiroonayaa ay geedka ka diir naxayaan, maxaa ay dhir isaga la mid ah ugu beeri waayeen deegaanka guud ahaan?  Shugri X. Bandaro labaatan sano ayaa ay dhirta ka shaqaynaysaye, maxay beertay?  Quruxi se maxaa ay manfac leedahay?  Adduunkan naxdini waa Ina Daanweyne, ee maxaa geedka laga wadwadaa, ummaddii deegaanka ku noolay baaba la go’doonson jid xumo iyo tacliin xumo’e.

 

Qolada kale ee geedka jartay, ma waxa ay ina leeyihiin, dadku waa xoolo oo garan maayaan badbaadada nafahooda?  Nin weyn oo dhawr iyo labaatan gu buuxiyey, maxaa sababay in uu naftiisa mahalako geliyey?  Saw maaha markaa garaadka caruurta waaweyn “adult children”  ee lagu naanaabay waxbarashada bilaa qorshaha ahi, inuu yahay caqli hooseeya oo xataa ka hooseeya fahamki idaha?

 

Raggaa waaweyn ee carruurta hadana ah (adult children) ma waxa ay garan waayeen “waar haddii aad buurta ka daadataan, sawir idinma geesa wadayo ee dhulka ku xejiya cagaha?   Haddii se ay dhintaanba, geerida miyaa la baajin karaa?

Haddaba qolyaha dhibka neceb ee yidhaa ”maxaa ay waxaasi u dhaceen” iyo walaalahooda farxadda kordhiya ee yidhaa “dhibka ayaannu dabar jaraynnaa” waxa fiican in la xasuusiyo in aynnu joognno adduun wehel u ah xummad (pain). Waxa innala gudboon in aynnu kobcinno hab fikirka mushtamaca, kaas oo waxyaabaha la baranayo ay ku jirto masuuliyaddu.

Si kasta oo dadaal loo sameeyo, waxa haddana soo degeysa maalin wadata yaabkeeda, markaa waa in aynnaan iska daba tuurin dhacdooyinka maalinlaha ah, mucjisooyinkana waa in aynnu ka meel dhiganno tacab iyo taxaddar.

……………….

F. G. Qoraalkani waa mid Aniga iga soo go’ay, waxaa se saamayn dhanka fikirka ah igu yeeshay buugaagta mucjisada ah ee uu leeyahay David Wootton

David Wootton wuxuu qoray

Power, Pleasure and Profit

Iyo buugga caqiibada leh ee uu ku lafagurayo hadimada dhakhaatiirka – buuggaa intiina akhriska jecel raadsada – The Harm of Medicine since Hippocrates” in uu cinwaanku sidaa yahay baan filayaa.

Dooddii yaabka badnayd ee uu Abdirisaq Terra keenay sannad ka hor, ee odhanaysau Muuse Biixi wuu ku raaxaystaa “cabaadka iyo qaylada dadka kale” waan wadaa xaqiiqadeeda, ciddii kale ee dooddaas xiisaynaysaana ha ila akhrido “pleasure” ka ay siyaasiyiintu raadiyaan, si gaar ah “Power, Pleasure and Profit” ha u darsaan. Waan hubaa tibaaxi in ay dinka bixi doonto.

Xor ayaannu u nahay in aannu taariikhda maanta socota u qorna sida ay saxda ku tahay, annaka oo aan calaf ku doonayn.

 

WQ: Axmed Cabdi Aadan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker