Waddooyinka isku xidha magaalooyinka Somaliland waxaa la dhisay wakhtigii Dowladdii Siyaad Barre

Waddooyinka isku xidha magaalooyinka Somaliland waxaa la dhisay wakhtigii Dowladdii Siyaad Barre marka laga reebo qaybo lagu daray intii Somaliland ay jirtay.
Waddooyinkaasi waxaa wakhtiyadaa loo dhisay qaab aan ka turjumaynin dhowaansho ama toosnaan ee waxay ahay isku xidh in loo sameeyo magaalooyinka waaweyn [Waxaad ka arki kartaa khariiraddan].
Inta badan waddooyinku uma baahna in waddo labaad oo ka toosan loo sameeyo laakiin markaad eegto HARGEISA – BURAO waxay u baahan tahay in muhiimad gaar ah la siiyo toosnaanta iyo haboonaanta safarka.
Hargeisa marka laga safrayo ee Burco loo socdo waxaad ku qasban tahay inaad kor ugu baxdo jihada woqooyi oo dhanka Berbera ah iyadoo ay kugu qasbayso qaabka wadadu kuu saamaxayso. Ka dib waxaad hoos hadana ugu soo noqonaysaa xagal 45° ah dhanka koonfureed si aad ugu soo jihaysato dhankii ay kaa xigtay Burco. Waxaad kale oo ku qasban tahay inaad marto buurta Sheekh oo iyaduna wakhti ku qaadata khatarteedana leh.
Hadaba markaynu xisaabinno safarka HARGEISA – BURAO [via Berbera] waxay masaafad ahaan dhan tahay 289.4km oo safar ah qaata 4saacadood iyo 33 daqiiqo (4hrs 33 mins).
Dhanka kale markaynu eegayno toosnaanta iyo haboonaanta HARGEISA – BURAO [via Oodweyne] waxay iyaduna masaafad ahaan dhan tahay 161km oo haddii ay waddo laami ah lahaan lahayd safar ahaan qaadan lahayd 2 saacadood iyo 30 daqiiqo (2hrs and 30mins). Dhanka kale waa dhul aad ugu habboon safarka marka laga eego dhanka badbaadada.
Markaa waxaan soo jeedin lahaa in dardar la geliyo sidii jidkaas toosan loo dhisi lahaa, loogana midho dhalin lahaa in labadaa magaalo isaga soo dhawaadaan intii hore isu socodkuna u fududaan lahaa.
Waxaa hubaal ah in jidkaasi furfuri lahaa wax badan, dhaqaalaha labada magaalona kor u qaadi lahaa. Waxaa xitaa fududaan lahayd in labadaa magaalo la isaga soo shaqo tegi kari lahaa oo aan dadku ku qasbanaadeen in ay degaan meesha ay ka shaqeeyaan uun.

#Connect_Hargeisa_and_Burao

 

Ahmed Musa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker