Somaliland : Dabeyl Xooggan oo ka kacay Xeebaha Galbeedka Dad la Badbaadiyay

Hal Qof oo Kalluumaysato ah, ayaa lagu soo waramayaa in la la’yahay raq iyo ruux, kadib markii uu ka dhacay laash nooca Kalluumaysiga ah oo ku jiray badda nawaaxiga Deegaanka Haddayta ee xeebta Galbeed oo ay dabeylo xooggan ka dhacayeen 48-kii saacadood ee la soo dhaafay.

 

Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Saldhiga Lughayaha, ayaa   sheegay in ay soo badbaadiyeen Nin kale oo ay wada socdeen Ninka la waayey iyo Laashkii ay wateen, walina ay raacdadiisa ku jiraan Ninka la waayey oo ay u badinayaan in uu dhintay.

 

“Badda waxa ka dhacayey dabeylo xoogga labadii duhurnimo ee shalay (Doraad) illaa maanta (shalay), markaa wixii badda ku jiraa halis ayey ku sugnaayeen oo lama geli karayn, markaa Jelbad laga leeyahay xaggaa Berbera oo badda ku jirtay oo ay wateen laba Nin ayuu mid ka dhacay oo illaa iminka la’yahay kii kalena waanu soo badbaadinay, oo isaga iyo laashkii ay wateenba waxaanu u dhiibnay oo jiiday Doon VOLVO ah oo aanu ku amarnay in uu Berbera geeyo”sidaasi waxa Dawan u sheegay Cali Xuseen oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidanka Illaalada Xeebaha ee Saldhiga Lughayaha oo khadka Telefoonka ee magaaladaasi aanu kula xidhiidhnay.

 

Saraakiisha ayaa intaas ku daray in cadaadiska dabeysha ka dhacaysay baddu khalkhal geliyeen laashka Kalluumaysi ee Ninku ka dhacay, taasina ay ku sababtay in ay  dhinaca berriga  u soo bixi kari waayaan. “gaadiidkii oo dhami berriga ayuu jooggaa oo lama geli karo badda, saaka (shalay)markii aanu howlgalnay ee aanu raadinay Ninka badda ku dhacay waanu ka waynay meelihii aanu u tuhmaynay, dadka xeelliga badda degenna intii aanu gaadhi kari waynay waanu la xidhiidhnay oo waxba noomay sheegin, markaa in uu dhintay ayuunbaan imika u malaynaynaa”ayuu raaciyey.

 

Warku wuxuu intaasi ku daray in Laashku berriga u jiray markii  uu Ninku ka dhacay masaafo dhan 1KM iyo badh, waxaanu shilku dhacay abaaro 2:00 habeennimo ee Axaddii habeen hore.

 

Geesta kale, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Saldhiga Lughaya Maxamuud Xuseen oo isna aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyey in baadi-goobkiisa lagu jiro Ninka badda ku dhacay, Kalluumaysatada deegaanka iyo dadka kale ee ku nool soonaha xeebta-na ay digniin ku siiyeen in ay ka fogaadaan Badda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker