Baadarigii dadka ku wacdiyay in ay gaajo u dhintaan si ay ula kulmaan Alle oo baaritaan lagu sameeyay

Booliska Kenya ayaa su’aalo weydiinaya Pastor Ezekiel Odero, isagoo xiraya kaniisadiisa

Booliska Kenya ayaa saaka su’aalo weydiiyey baadari Ezekiel Odero, waxa ayna xireen kaniisadiisa oo ku taalla gobolka xeebta ee Kilifi.

Isku duwaha gobolka Xeebta Rhoda Onyancha ayaa xaqiijisay in baadariga ay su’aalo weydiinayaan booliiska Mombasa.

Onyancha ayaa sheegay in guddiga amniga ee aaggaasi ay go’aansadeen in la xiro Kaniisadda New Life Prayer Center si wax looga ogaado waxbaridda ay bixiso kaniisaddiisa.

Waxa uu intaasi ku daray inay dib ka soo sheegi doonaan xog badan oo ku saabsan baaritaankooda.

Wuxuu sheegay in dadkii kaniisadda ku haray haatan laga saaray.

Waxa la sheegay in uu ku wacdiyay kuwa raacsan inay gaajoodaan una dhintaan si ay Ciise ula kulmaan.

Xariga daaciga ayaa yimid kadib markii la helay xabaalo wadareedyo ku yaala keymaha Shakahola oo la xaqiijiyay in ay ku dhinteen in ka badan 90 qof.

Baadariga ayaa xabsiga ugu jira dhacdada la xiriirta dhimashada dadkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker