Waji Ka Mida Guusha

ku dayashadu allaaba ma keento guul.  Ruux marka uu ka dhex mudho khayrkii; dad baa hiigsadda halkaa uu gaadhay cagta in ay dhigaan. 
 
Tartanka baaskiilka lagu ordo – RAAM – ee lagu qabto Maraykanka waxa jiray nin la odhan jiray Jure Robic oo shan jeer hantiyay abaal-marinta tartankaas.  Robic waxa uu sameeyey dhacdooyin door ah oo indhaha caalamka soo jiitay, sida: In uu maalin badhkeed ka horeeyey ninkii kaalinta labaad galay iyo in uu seexday 8 saacadood kaliya sideed maalmood.
 
Robic ma dheerayn tartamayaashii kale karti iyo ayaan balse Robic waxa aakhirkii la ogaaday in aannu maskaxiyan fayoobayn.  Sidaa daradeedna daal iyo xanuunka ay dareemayaan raga kale isagu aanu la waddaagin. 
 
Xanuunku waa culays ku yimaada dadka; kaas oo sababa nasasho qofka ku qasabta hurdo.  Daalka waxa jira dad aan dareemin.  Jure Robic kor baynu ku xusnay.  waxa jira oo kale dad iyagu aan lahayn dareenka keena xanuunka.  Ashlyn Blocker ayaa ka mida dadka ku dhashay sifaadda la yidhaa – Congenital intensitivity to pain with anhidrosis  CIPA – sida ay soo warisay Justin Heckert, Ashlyn waalidkeed ayaa u sheegay in ay canqawga ka jabtay intii iyadu aysan ogaan in ay laf ka jabtay!  
 
Dadka aan dareemin xumadda waxa jidhkooda lagu arkaa nabaro laxaad leh.  Dhaawaca ma dareemaan!  Waana sababta keensata dadkan qaba CIPA hore in ay ka wajahaan geeridda.  
Haddii aad isku daydid in aad bareejaysid qof jimsi ahaan kaa duwan, waxa aad ku jirtaa dagaal aadan guul ka keenayn.
 
Sweden waxa jirta maahmaah tidhaahda caruurtu waa ubaxa la yidhaa ‘dandelions’ balse in kooban baa ah ‘orchids’. Dandelions’ku waa ubax meel kasta ka baxa.  Kuwa kale ‘orchids’ku waa ubax u baahan daryeel; haddii ay hellaan xanaano waa ay wacnaanayaan haddii ay wayaan waa ay xumanayaan.
 
Dadka intiisa badan waxa ay wataan hidde sidde la yidhaa DRD4 balse dadka qaar ayaa wata hidde sidahaas oo muqaal kale leh: DRD4-7R.  Dadka wata 7R’ka oo u eeg caruurta lagu masaalay ubaxa ‘orchids’ka waa kuwo u dhexeeya wanaag iyo xummaan. Haddii uu hidde-sidahaasi hello deegaan daryeel leh dadkaasi waxa ay noqdaan geesiyaal haddii deegaanku ka xumadanna, waxa ay noqdaan mooryaan. 
John Stuart Mill nin la odhan jiray ayaa laga soo xigtay in uu yidhi: Dad kooban ayaa maanta ku adkaysta gadisnaantooda toggan, isku dayashadda ummadda oo dhan rabto in ay isu eekadaan waa musiibadda muuqata maanta.
 
Gadisnaantada ku gaarka ah in aad ogaatid oo maalgashatid waa guul gacantaada ku jirta.  Malcolm Gladwell waxa uu buunbuuniyey baadhitaan uu soo saaray K. Anderson Ericsson oo ahaa:  Waxa aad khabiir noqonaysaa, marka aad shay ku celcelisid 10kun oo saacadood.  Wakhtigaas waa saa’id qofna 10kun oo saac kuma celcelin karo shay. Sirtu waxa ay tahay qofku shayga uu ku wanaagsan yahay wakhti kooban ayuu qabatimi karaa umana baahna saacaddo badan.
 
Shayga aad ku wacantahay lasoo bax.  Cid ku tilmaanta ugu yaraan doono amaba qiimee 5tii sanno ee u dambaysay halka ay naftu ku jiidanaysay.  Jihadaa naftu ku wadato, haddii ay tahay mid la falgali karta dhaqankaaga, ka daba gee dadaalkaaga.
 
Axmed-xiis Dharbaan
dharbaan01@gmail.com
Nantes France

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker