Madaxweynaha Dalka Masar Oo la filayo inuu tago Dalka Jabuuti

Madaxweynaha dalka Masar, Cabdifataax Al-Sisi ayaa la filayaa in uu maalinta Khamiista ah ee barito gaaro dalka Jabuuti, halkaasoo uu kula kulmi doono dhigiisa dalkaas, Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadli doona arrimo uu ka mid yahay sii xoojinta xiriirka labada dal.

Bartamihii bishii April ayay madaxtooyada Masar sheegtay in Al-Sisi iyo Geelle ay ku wada hadleen khadka telefoonka, mowduucyadii ay ka hadleenna waxaa ka mid ahaa sidii xal loogu heli lahaa muranka ka taagan dhismaha biyo xireenka ay Itoobiya ka sameyneyso Blue Nile.

Dhawaan ayuu madaxweynaha Masar hambalyo usoo diray madaxweynaha Jabuuti kaddib markii dib loogu doortay xilka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker