Somaliland oo U Jawaabtay Qiimeyn ay dhowaan shaacisay dowlada Soomaaliya

Somaliland ayaa ka soo horjeestay liiska Jaamacado ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ay aqoonsantahay oo ay ku jiraan shan Jaamacadood oo ku yaalla Somaliland.

Guddiga tacliinta sare ee Somaliland oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in Somaliland aanay  waxba ka khusaynin qiimaynta ay dowlada Soomaaliya sheegtay inay ku samaysay Jaamacadaha Soomaalida.

Ma jiraan Jaamacado Somaliland ku yaalla oo dowlada Soomaaliya ay qiimayn ku samaysay, waana been abuur wararka arrintaas sheegaya” ayey shirkooda jaraaid ku yidhaahdeen guddiga.

“Waxay oran jireen hawada, badda iyo dhulka Somaliland anaga xukuna, arrintana taas kama duwana Jamacadaha Somaliland koomishanka halkan jooga ayaa xukuma” ayay sidoo kale yidhaahdeen.

Wasaarada Waxbarashada ee Soomaaliya, soo bandhigtay Jaamacado ayaa sheegtay inay ka gudbeen 41 jaamacadood qiimayn ay samaysay, waxaana ku jira shan Jaamacadood.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker