Karoone keen: maxaa bilaabmi doona August 2020?

• Waxaan ahay nin waayaha adduun, wax uga muuqdaan’e,
• Waxyi iguma soo dego haddana, wax ima seegaane. (Luggooyo. AHN)

Maahmaahduna waxa ay ahayd: “Nin aan waxa soo socda garani, waxa jooga ma garto”

Mustaqbalka sida ay wax u dhici doonaan waa qayb, waa wax maqan oo aanay cidina ogayn, hase yeeshee in la oddoroso ama la saadaaliyo sida ay wax noqon karaan, iyada oo lagu dhisayo sida ay wax u socdaan, waa arrin aanu sharciguna diidaynin, caqliguna ka didaynin.

In aad asiibto sida wax u dhici doonaan ama aad ku dhoweysaa waxa ay ku dhisantahay saxnaanta hore ee oddoroskaaga iyo heerka qiimayntaadu qummanayd ama heerka ay saxsanaayeen xogaha aad marka hore cuskatay.

Maqaalkan waxa aan ku soo bandhigayaa filashadayda ah in Soomaali aad u badan oo hore ugu baqoolay Yurub iyo Maraykan ay mar kale soo geli doonaan hayaan ballaadhan oo gurya noqosho ah.

Marka laga yimaaddo culayska haysta dadka doolka ku tegay waddamada Reer Galbeedka ee ay ugu weyntahay cunsuriyeynta ay la kulmaan iyo mushkiladda kala duwanaanshaha dhaqan-bulsheed ee ay ku dhex dhaceen, haddana Soomaalida Yurub iyo Maraykan deegaansaday waxa u dheer dhibaatooyin u gaar ah oo ay ugu darantahay milanka dhaqan-diineed ee da’yartii ku dhacay, gaar ahaan waddamada qaarkood oo ubadka nolosha ka dhacaya ay Soomaalidu meelaha ugu sarreeya kaga jirto.

Iyada oo dhibaatooyinkaasi jiraan, ayaa waxa muddooyinkan danbe soo kordhay dhibaatooyin kale oo hor leh, kuwaasoo ay ka mid yihiin in dalalka qaarkood dhowaan lagu daray manhajyada waxbarashada sharciyo iyo maaddooyin cusub oo ubadka lagu barayo in aanay qoomu-luudnimada iyo qofka oo jinsigiisa beddelaa ceeb ahayn ee ay tahay xaq qaanuuni ah oo sharcigu ilaalinayo!

Dhibaatooyinkaasi oo loo maaro la’yahay, yeeshayna saameyn dhaqan iyo mid dhaaqaale labadaba, ayay ku soo biirtay musiibo aan maankaba la gelin oo caafimaad, waa Covid-19 (وما أدراك ما كوفيد 19)?

Mushkiladahan saddexda ah oo lagu daray dhibaatooyinkii hore u jiray, halis caafimaad oo la filayo in ay ku soo wajahantahay dalalkaas xilliga qaboobaha ee soo socda, burburka dhaqaale ee sii socda, iyo weliba, dhinaca kale deegaannadii hore Soomaalidu uga yaacday oo sidii hore dhaama ayaa sababi doona dib u soo hayaan ballaadhan, ka hor inta aanu jiilaalka 2020 bilaabmin.

Waxa aan mala awaalayaa in ay soo noqon doonaan dad tiro ahaan aan ka yareyn 70,000, lagana yaabo in ay kor u dhaafaan 15
0,000 oo ruux.

Dadkaa waxa loo bixin doonaa Karoone Keen.

Sababaha haddaynu qodobbayno waxa ay noqon doonaan: kuwo dhaqan, dhaqaale iyo caafimaad.

Faahfaahinta sababaha socdaalka dib u soo noqoshada ah keenaya, waayaha ka soo horreeya iyo weliba dhib iyo dheef waxa ay la iman doonaanba waxa aynnu ku arki doonnaa maqaalka qaybtiisa soo socota – Haddii Alle idmo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker