Danjire Abuukar Baalle oo QM ka dalbaday in cunaqabateyta hubka laga qaado Soomaaliya, lana taageero horumarka SSC Khaatumo

Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle oo warbixin ka jeediyay kulanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid ahayeen cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo xaalada SSC Khaatumo.

Danjire Abuukar Baalle ayaa ugu horeyn Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ugu baaqay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran mudada dheer, isagoona tusaale u soo qaatay in dalka uu sameeyay isbadalo iyo horumar la taaban karo.

Wuxuu sidoo kale Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay uu kulankaas ka sheegay in xaalad deganaasho ay ka jirto magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isagoo xusay in taasi ay ku timid dadaalada dheeraadka ah oo ay sameeyeen maamulka SSC Khaatumo.

Abuukar Baalle ayaa sidoo kale soo dhaweeyay aqoonsiga dowladda Fedaraalka ee dhismaha maamulka ku meel gaarka ah ee SSC Khaatumo, isagoona ku booriyay  UNSOM iyo saaxiibada caalamka inay taageeraan horumarkan si loo waafajiyo siyaasadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Gabagabadii Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Modoobay Abuukar Cismaan Baalle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dadaal wadajir ah ay Soomaaliya uga gudubeyso khatarta Al-Shabaab, islamarkaana ay dhawaan gali doonto nabad iyo barwaaqo waarta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker