Sababta reer Somaliland ugu hanqal taagaan Muqdisho by Amir Bidde QAYBTII 2AAD

Qaybtii 1aad waxaynu kaga haddallay dhaqanka hoggaamineed ee Soomaalida iyo aragtidooda siyaasadeed. Innagoo 5ta Soomaaliyeed midba geestiisa u faallaynayna. Waxaynu qaybtaa hore kaga hadallay Ogaadenia iyo Djibouti, innagoo tilmaanay sida ay Ogaadeen iyo Ciise dhegaha uga furaysteen dabayshii Soomaali wayn 1945 – 1960 iyagoo doorbidaya danaha dadkooda iyo dalkooda ee u goonida ah. Oo ay la heshiiyeen 2da gumaysi ee Itoobiya iyo Faransiiska.

Qaybtan waxaynu kaga hadlaynaa 3da hadhay oo ah:

3Soomaaliya ama koonfurta: dhulkii la odhan jiray Italian Somaliland.  Markii dagaalkii 2aad ee dunida lagaga adkaaday Talyaaniga oo Jarmalka xulufo la ahaa waxa qabsaday dhulka Soomaalida oo dhan Ingiriiska, hase yeeshee markii dagaalkii dhammaaday ayay quwadihii reer galbeedku go’aamiyeen in wadamadii dagaalka lagaga guulaystay ( Jarmal iyo Talyaani) loo celiyo dalalkii Afrika ee gumaysan jireen. Haddii dadkii ay gumaysan jireen iyaga doortaan. Soomaalida koonfureed waxay u direen wafdi, New York oo markaa quwadihii dagaalka ku guulaystay ay ka aasaaseen UN (ururka qaramada midoobay), wafdigan oo uu hoggaaminayay siyaasi Cabdillahi Ciise wuxuu sheegay inay doorteen in Talyaanigii soo noqdo. Waxa la siiyey dawlad hoosaad Soomaali ah oo Talyaanigu dusha ka maamulo inta ay ka gaadhayaan xorriyaddooda 1960. Koonfurtu dawlad shaqaynaysa oo dhisan muddo toban sano ah ayay lahaayeen markii 1960 xorriyadda la qaatay. Dawlad qabiilooyinka meeshaa degaa qaybsadeen 1950kii.
kuwii Somaliland ka tegay july 1960, ayaa ka dul degey, dawlad toban sano ka hor la qaybsaday. Dee waa tii lagu yidhi dawladdan iyo waddankan maamulkiisa meel idiinkama bannaana ee marti iska ahaada (waa aan cidina sooryayn). Iyaguna waa kuwii raalli iyo badh ku noqday inay marti ahaadaan.
Bal xaqiirnimada reer woqooyiga xataa kuwa imika Xamar taga ee ku biira golayaasha baarlamaanka Soomaaliya  shaqo kuma leh kuraas qaybsiga iyo dawlad qaybsiga. Hoteello ayay degaan wixii loo soo tuuro ayay halkaa ku sugaan. Martinimadii (cad quudheed) ayay weli raalli ku yihiin, kuna faraxsan yihiin.
Dalkaa waxa hoggaamintiisa iska leh laba qabiil (Daarood iyo Hawiye), tan iyo 1960kii iyagaa soo hoggaaminayay. Cid kale oo kula doodi kartaa ama hawaysan kartaa ma jirto, mana oggolaanayaan. Shaqooyinka muhiimka ahna iyagaa qaybsada. Tusaale: janannadii ciidda ka badnaa ee ciidankii xoogga dalka Soomaaliya dhammaan waxay ahaayeen 2daa qabiil. Isaaq oo dhan hal janan bay lahaayeen. Looma oggolayn inay kornaylnimo dhaafaan (Gabooye oo ah reer aad iyo aad u yar, ayaa Isaaqa ka janan badnaa. Gabooye wuxuu lahaa 2 janan oo caan ah: gen. Samatar iyo gen. Salxaan, inkastoo ay labaduba Soomaalida koonfurta ahaayeen. Gabooye laftiisa kuwa reer woqooyiga ah waxba looma oggola).
Heshiisiintii 25 sano socotay ee dalalka caalamku wadeen, labadooda (Daarood & Hawiye) ayaa la dhexdhexaadinayay. Waa kuwaa ku heshiiyey dawlad ay isku kaayaystaan, oo marba qolo hoggaamiso, inkastoo Farmaajo uu imika sadbursi rabo oo dariiqii adeerkii ku jabay cagta saaray.
4. Woqooyiga Kenya Soomaalida degta iyadoo u hoggaaminayo qabiilka ugu wayn waxay si fiican ugu milmeen bulshooyinka kale ee Kenya. Kaalin buuxdana way ka qaataan siyaasadda iyo hoggaaminta ciidanka dalkaba. Sidaa darteed waxay 1960’s la yaabbanayeen dadka xaggaa iyo british – Somaliland ka soo guuxaya ee soomaaliwayntada haya. Ee ku heesaya: Wajeereey calanka hoo.... (calanka Soomaaliya).
5. Somaliland (british Somaliland) Reerka u badan waa Isaaq, waa reer siyaasad ahaan qaybsan oo aan u qalmin magaca ay wadaagaan, waayo waxba (xag siyaasadeed) uguma filla. Qaybsanaan siyaasadeed oo dhexdooda ah ayaa 1960kii gaysay Muqdisho. Waxa taariikhyannada koonfurta qaarkood xusaan in Somali- wayn baan rabnaa ay afgobaadsi Isaaq ahayd ee ay rabeen kaliya, si ayna iyagu iskugu muuqan, inay Soomaalida koonfureed ee ka tirada badan ku dhex milmaan.
Dawladda Somaliland, oo markaa ahayd dawlad caalamku aqoonsaday ayay bilaa shuruud, bilaa heshiis iyagoon waxba dhaafsiisan Muqdisho geeyeen. Waa qolada kaliya ee Soomaalida iyagoo qabiil wayn ah, haddana bilaa aragtida ah ee aan tan 1940kii qorshe siyaadadeed oo mustaqbal aan lahayn. Waa dadka kaliya ee is garab yaacaya ee aan dhexdoodu waxba isku oggolayn.
Waa meesha kaliya ee oday dhaqameed aan cidina dooran uu ka dhex doobiyo ee uu baarqabka ka yahay. Isagoon wax aqoon ah u lahayn siyaasadda iyo waxyaabaha (dhaqan dhaqaale) ee dunida ka socda.
Dad qabyaalad hoose ragaadisay oo aan yool sare iyo aragti xaafad dhaafsiisan lahayn ( illayn waa heerka fikir ee oday dhaqameedkee) Dadka Somaliland qofka ay isku qabiil hoose yihiin ( tusaale isku Habar) ayay mar walba taageerayaan, xataa hadduu Qaran dumis yahay oo qaddiyadda Somaliland iibsanayo. Waa dad ay iskaga murugtay caadifad reereed iyo u jahaynta dalku (siyaasadda).
Waa qolada keliya ee Soomaaliyeed ee meeshooda lagu haysto, ee la leeyahay isma maamuli kartaan, ee aan idiin talinno.
Siyaasadda runta ah (siyaasadda dibadda) iyo shax danaysiga dunidu ciyaarto umaba bilowna.
Iyagoo dawladnimadoodii waayay markay 1960kii Xamar hadiyadda ugu geeyeen ee aakhirkiina abaalkoodu noqday in ciidankii dawladdu xasuuqo. Iyagoo arkaya in Soomaali nin walba meeshiisii uu ka samaystay dawlad u gooni ah oon cid kale taladeeda kula loollami karin. Ayay haddana iyagu weli halkii 1960kii taagan yihiin (arrintani waxay xoojinaysaa aragtida taariikhyannada qaar ee aan kor ku xusay waayo maanta ma jirto hawo Soomaali wayn). Oo dad badan oo ka kooban siyaasiin iyo madax dhaqameedba ayna cayntayn la ahayn qaddiyadda Somaliland.  Oo ay ka doorbidayaan inay Xamar ajnabi ku ahaadaan. Siyaasiinta Soomaaliya aad bay u xaqiraan siyaasiinta Somaliland iyo bulshada Somaliland guud ahaan ( ninkii la dhaqmay dabaqaddooda sare ayaa garanayee). Waxay u haystaan dad fudud (waalan) oon waxba ka dambayn. Dad balwad Jaad u go’ay oon maskaxdoodu fayoobayn. Maalin dhowayd oo uu wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland  u lahaa Somaliland marfashyadaa looga taliyaa, hadalkaa isaga kama iman ee waa waxa ay rumaysan yihiin siyaasiinta Soomaaliya, kuna sheekaystaan.
Dee ma laga yaabaaba inay saxsan yihiin?
Bal adba!
Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir  Bidde

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker