Kiiska Cabdi-Ilay oo Lagu Amray in La Keeno Marqaatiydda Dhiman Lana Soo Bandhigo Xaqiiqadda.

Madaxweynihii Hore Deegaanka Soomaalidda Cabdi Muxumed Cumar (Cabdi-Ilay) iyo Eedaysanyaan La Xidhnaa Ayaa maanta lagu Waday inay ka Soo hor Muuqdaan Maxkamadda Si Loo Dhagaysto Wareegi Sadexaad Ee marqaatiyadda Ku Marag Furaysau Kiisaskii Loo Haytsay.

Xeer ilaaliyaha Maxakamadda Darajadda Kowaad ee Kiisaska Argagaixsadda iyo Musuq Musaaqu Ayaa Amray in Mid Kastoo kamid Ah Eedaysanyaasha La Soo Dadajiyo kiiskooda Lana Keeno Cadaymo lagu Qanci Karo iyo Marqaatiyaal Ku Salaysan Xaqiiqdda.

Waxaana Dacwad oogayaashu Ay Dalbadeen in la Siiyo Mudo Ku Filan Ama ugu yaraan hal Bil Si Loo Soo bandhigo Maqaatiyadda Dhiman Waloo garsooruhu uu Arintaasi ka Biya Diiday.

Qareenadda u Doodayay madaxweynahii Hore iyo Eedaysanyaasha La Xiran Ayaa Sheegay in Muwaadinintani Xaq u Leeyihin Helidda Xaquuqdooda Loona Soo Dadjiyo kiiskaskooda.

Xeer ilaaliyaha Ayaa Mudo 7aad ah u Qabtay in Lagu Soo Dhamaystiro Marqaatiyadda Lana Horkeeno 4-April Ee Sanadkani.
Cabdi Muxumed Ayaa loo haystaa Eedaymo la Xiriira Dil,Musuqmaasuq,iyo Burbur Hantiyadeed oo Ka Dhacay jigjiga Eedaha ugu Badan Ee uu Wajahayana Waxaa ugu Waawayn Rabshadihii Dhacay 4-Agoust-2018 oo ka Dhacay Caasimadda Deegaanka.

Kiiska Cabdi Muxumed ayaa 4 sano jirsaday isagoon wali aaan  Xukun Ku dhicin.

By Jaamac Ukun
SDM

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker