Shirkadda Qareenadda Madaxa-banaan Ee East Africa Law Firm Oo Qabatay Kullan Kor Loogu Qaadayo Aqoonta Qareenadda

Shirkadda Adeegyada Sharci ee Bariga Afrika (East Africa Law Firm) ayaa qabatay tababar kor loo qaadayo aqoonta iyo xirfadda Qareennada si loo helo qareenno la jaanqaadi kara qareennada dunida aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba.

Kulankan aqoon-isweydaarsiga ah ayaa waxa ka soo qaybgalay xubno ka tirsan Ururka Qareennada JSL, khubaro aqoonta sharciga ku xeeldheer iyo madaxda xafiisyada Somaliland ee Hay’adaha UNDP iyo UNSOM.

Tababarradan oo noqon doona kuwo taxane ah, ayaa maanta koodii ugu horreeyay lagu qabtay xafiiska Shirkadda Adeegyada Sharci ee Bariga Afrika (East Africa Law Firm) ee Hargeysa, iyada oo dhowaanna la qaban doono tababarro kale oo arrintan ku saabsan.

Ugu horrayn waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Shirkadda Adeegyada Sharciga ee Bariga Afrika Md. Maxamed Siciid Xirsi, isaga oo faahfaahin dheer ka bixiyay ujeeddooyinka tababarkan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker