Madaxweyne Biixi Oo Maanta Socdaal Shaqo Ku Tagaya Dalka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay socdaal shaqo ku tagaan dalka Imaaraadka Carabta.

Ma jiro war rasmi ah oo ay madaxtooyadu ka soo saartay socdaalka Madaxweynaha, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi uu maanta socdaal shaqo ku tagayo dalka UAE, waxaana la filayaa inuu kulamo la yeesho qaar ka mid ah madaxda dalka Imaaraadka Carabta.

Socdaalkan oo noqonaya kii labaad ee uu Madaxweyne Biixi ku tago tan iyo markii bishii December loo dhaariyay xilka Madaxweynenimo, ayaa waxa la filayaa inuu la xidhiidho danaha iskaashi ee ka dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo la ogyahay in shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP world ay maalgashi horumarineed ku samaynayso dekedda Berbera islamarkaana ay dawladda UAE saldhig milatari ka samaysanayso magaalada Berbera.

Socdaalka Madaxweynaha, ayaa la filayaa inuu qaato saddex maalmood, waxaana ka mid noqon doona weftigiisa xubno wasiiro ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker