Ma jibuuti ayuu dagaalkii 3-aad ee dunida ka qarxi doonaa

Jibuuti waa dal yar oo Bariga Africa ku yaala oo ay 8 sandhig ciidan ku wada leeyihiin awoodaha Dunida ugu weyni , qaar kalena way doonayaan in ay sandhig ciidan  ka sameystaan.
Dadka Jibuuti waa dal faqiir ah , tirade dadkiisuna 800,000 oo kun ma dama, waana dal aan wax soo saar lahayn, waa dal ay dalalkii gumeystaha weligood  isku hayseed, Laakiin waxay ku taalaa bad aad u Muhiim ah oo badda cas oo ganacsiga aduunka wada maro, Laakiin siyaasad ahaan waa dal degen.
Waxa degen ciidamo Fransiis ah iyo qaar Maraykan ah iyo Ciidamo Italian ah iyo ciidamo Spain ah iyo ciidamo China ah iyo ciidamo Japan ah iyo ciidamo India ah, qaar kale way u soo socdaan.
Waxa layaab leh ciidamada Maraykanka ah iyo ciidamada china-ha ah iyo askarta ciidamada kale oo meelo badan ku wada kulma jibuuti , sida huteelada iyo wadooyinka oo meelo badan isku afdhaafa .
Kumanyaal ciidan ah oo kala duwan ayaa ku wada nool oo dhamaantood is wada basaasaaya ,
Dhamaantood waxay ka wada faa’iiday sanayaan halka ay ku Taalo iyo badda jibuuti ee badda cas ku taala iyo Indian ocean , iyo in ay danahooda ka wada ilaashadaan .
Magaaladanu khatar ayay ku sugar tagay iyo nolosha dalkuba , hadii ay isku dhacaan ciidamadan dalalka kala duwan ee ku wada nool.
Gaar ahaan ciidanka dalka Maraykanka iyo ciidamada dalka china-ha oo maalin kasta isku dhaca ,
Waxaanay khatar ugu jirtaa in uu halkaa ka dhaco ama ka bilaabmo dagaalkii 3 aad ee Dunida iyo ciidamada dalka china-ha iyo ciidamada dalka India.
Halkaas waxa ka soo socdaa khatar .
Weliba dalka Somaliland-na khatar ayuu ku sugar yahay , kolkii ay xidhiidh weyn la yeesheen dalka Taiwan oo ay col yihiin dalka china , hadii uu dagaal 2-bada dal dhex maro. ?
Cali Maxamed Biixi
Caliwwelli@hotmail.co.uk

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker