Hargeysa: Dugsiga H/Dhexe ee Jamhuriya oo Abaal-marinno ku taxay Arday Dedaal iyo Karti lagu majeertay

Hargeysa (OWN)- Dugsiga Hoose/Dhexe ee Jamhuuriya Primary and entermediate School, ayaa munaasibad ballaadhan oo abaal-mariino kala duwan lagu guddoonsiiyey u qabtay Ardayda wax ka barata dugsigaas.

Munaasibadda abaal-marinaha lagu guddoonsiiyey Ardayda oo ku qabsoontay Xarunta Dugsiga oo ku yaalla Xaafadda Qaalib ee Woqooyiga magaalada Hargeysa, waxa ka Qayb-galay waalidiinta Ardayda, Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga, masuuliyiin ka socotay wasaaradda Waxbarashada iyo Marti-sharaf kale.

Ugu horeyn, waxa munaasibadda hadal kooban oo ku saabsan ujeeddada munaasibadda abaalmarinaha lagu gudoonsiiyey Ardayda ka jeediyey maamulaha Dugsiga Hoose/Dhexe ee Jamhuuriya Maxamed Axmed Cali (Jamhuuriya) oo sheegay in maadaama uu bilaabmay sannad-dugsiyeedka Cusub ay maamul ahaan sannad walba abaal-marinno kala duwan guddoonsiiyaan Ardayda kaalmaha hore ka gasha imtixaanaadka.

Maamule Maxamed Axmed Cali waxa uu sheegay inay dugsi ahaan ay dedaal dheeraad ah geliyaan barbaarinta iyo waxbarista Ardayda maadaama ay gacanta ku hayaan arday da’doodu aad u yar-yar tahay  si u dhammaystiraan marxaladda barbaarinta ee ardayda fasallada kowaad, waxaanu  waalidiinta ardayda kula dar-daarmay inay dhankooda dedaal dheeraad ah ku bixiyaan ka war-haynta ubadka si aanay ugu dhex-lumin gacanta Bareyaasha iyo gacanta waalidka.

Xubno ka mid ah bareyaasha Dugsiga oo halkaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay iyo dedaalka ay ku bixiyaan wax-barista Ardayda, gaar ahaan kuwa dugsiga hoose, waxaanay bogaadiyeen dedaal dheeraad ah oo ay xuseen in maamulaha dugsigu ku bixiyo ka-war-haynta ardayda iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa.

Waalidiinta Dugsiga qaarkood oo iyaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa sidaas oo kale waxa ay dedaal iyo karti dheeraad ah ku majeerteen maamulka iyo bareyaasha dugsiga H/Dhexe ee Jamhuuriya Primary and Entermediate School, waxaanay halkaas ka ballan-qaadeen inay dhankooda xoojinayaan kaalinta looga baahan yahay.

Gebogabadii munaasibadda, waxa abaalmarinno kala duwan ardaydii kaalmaha hore ka gashay Imtixaanka ee dedaalka dheeraad ah iyo akhlaaq-wanaagga muujiyeyba guddoonsiiyey maamulka dugsiga iyo saraakiisha ka socotay wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland.

Jamhuuriya Primar and Intermediate School ayaa ka mid ah Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ee hoos taga Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland isla markaana lagu dhigo manhajka Waxbarashada Somaliland.

DAAWO SAWIRRADA MUNAASIBADDA LOO QABTAY ABAAL-MARINTA ARDAYDA DUGSIGA JAMHURIYA

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker