Xaaska Madaxweynaha Faransiiska Macron Oo Lagu Sheeegay inay hore Nin u ahayd

Brigitte Macron ayaa lagu wadaa in ay qaado tillaabo sharci ah oo ku saabsan aragtida shirqoolka ee internetka oo ah in ay tahay haweeney labeeb oo markeedii hore ku dhalatay lab.

Marwada koobaad ee Faransiiska ayaa lagu bartilmaameedsaday baraha bulshada iyada oo wararkan lagu daabacay bog ay leeyihiin kooxaha midigta fog bishii Sebtembar ka dibna ay faafiyeen.

Wararka xanta ah ayaa sheegaya in ay markii hore ay nin ahayd, lana oran jiray magaca Jean-Michel Trogneux.

Magacan ayaa ku baahay baraha bulshada iyadoo tobanaan kun oo goor la sheegay.

Qareenka u doodaya Mrs Macron – oo ah hooyada saddex carruur ah oo qaangaar ah kuwaas oo ay ku dhashay guurkeedii ugu horreeyay – ayaa xaqiijisay inay tallaabo qaadayso.

“Waxay go’aansatay in ay bilawdo dacwadaha,” qareen Jean Ennochi ayaa u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee AFP.

Beenta ku saabsan haweeneydan 68-jirka ayaa lagu faafiyay bogagga kooxaha ka soo horjeeda ninkeeda, Madaxweyne Emmanuel Macron, oo ay ku jiraan kuwa midigta fog.

Warbaahinta Faransiiska ayaa sheekadan ku raad raacday maqaal ay haweeney lagu magacaabo Natacha Rey ku qortay joornaal dhanka midigta fog. Waxay markaa heshay dhagaystayaal ballaaran ka dib markii lagaga hadlay barta YouTube.

Dacwadda dhanka sharciga ah
Analysis box by Hugh Schofield, Paris correspondent
Waxa ay dad badani is weydiinayaan sababta Brigitte Macron ay gabi ahaanba sharciga u aadeyso si ay u xakamayso been abuurka xiisaha leh.?

Laakiin run ahaantii ma jirto wax caddayn ah oo muujinaya in qof kasta uu aaminay warkaan marka laga tago dad fara- ku tiris ah.

Saxafiyiinta iyo kuwa gudaha ku jiraba waxay si isku mid ah u cabiri karaan dhibaatooyinka burcadda intarneedka.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Mrs Macron la bartilmaameedsado tan iyo markii ninkeeda la doortay sannadkii 2017, iyadoo horey loo bartilmaameedsaday farqiga da’da 25-ka sano ah ee u dhexeeya lamaanahan.

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo Faransiisku uu wajahayo doorasho madaxweyne marka la gaaro sannadka 2022.

Mr Macron ayaan wali si rasmi ah u xaqiijin in uu mar labaad isu soo sharixi doono xilkaasi balse waxaa la filayaa in uu markale xilkaasi u tartamo.

Waxa uu tartan kala kulmayaa Valérie Pécresse, oo u sharaxan xisbiga garabka midig ee Jamhuuriga, iyo Eric Zemmour, kaas oo rajaynaya in uu matalo kuwa midigta fog.

Dhanka kale mar sii horreysay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa cambaareeyay dhiggiisa dalka Brazil Jair Bolsonaro, isaga oo sheegay in uu si “qalafsan” uga hadlay marwada koobaad ee Faransiiska.

Qof taageersan madaxweynaha Brazil ayaa ku jeesjeesay xaaska Macron Brigitte oo 66 jir ah, iyadoo qofkaasi uu Facebook-ga soo dhigay qoraal.

Emmanuel Macron
Emmanuel Macron iyo xaaskiisa Brigitte oo 66 jir ah
Qoraalka Facebook waxaa la socday sawirka xaaska madaxweyne Bolsonaro, Michelle Bolsonaro oo 37 jir ah, kaas oo da’ ahaan liddi ku ah midka marwada koobaad ee Faransiiska.

“Hadda waad fahmi kartaa sababta Macron uu sida xun ugula dhaqmayo Bolsonaro?” ayuu qoraalkaasi ahaa.

Bolsonaro oo arrintaas ka falcelinaya ayaa ku hoos qoray “nin yohow waji gabax ha ku ridin…, ha ha oo uu qosol ahaan ka wado ayuu ku sii daray isaga oo luuqadda boortaqiiska adeegsanaya.

Macron ayaa la waydiiyay sida uu u arko qoraalka Bolsonaro, wuxuuna ku jawaabay “waa arrin aad u qalafsan” oo murugo leh”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker