Farmaajo oo caddeeyey mowqifkiisa sharciga ee ku aadan doorashooyinka muranka dhaliyey

Muqdisho (OWN) –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayey Munaasabadda sanadkii guuradii 76-aad ee ururkii Dhallinyarada SYL oo xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Shirkii Garoowe iyo sababihii keenay in la isku fahmi waayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in qodobadii shirka la isla soo qaaday ay kamid aheyd Sharciga Doorashada oo ay soo gudbisay Xukuumadda iyo qaabka ay noqon doonto Doorashada.

Wuxuu Madaxweynaha sheegay in Maamul Goboleedyada arrintaas ka keeneyn dood iyo inay ka hor imaadeen balse wuxuu ugu jawaabay in Arrimaha Doorashooyinka iyo qaabka ay noqon doonaan mar hore looga heshiiyey shirkii Baydhabo ka dhacay oo ay dhinacyada dhan saxiixeen.

Wuxuu tilmaamay in Maamulada aysan awood u laheyn in dalbadaan wax ka badalka Sharciga doorashooyinka oo ay soo gudbisay Xukuumadda Balse ay u furan tahay kaliya inay waxay rabaan in laga badalo ay soo marsadaan Xildhibaanada ku matalo Baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wuxuu sheegay in Sharciga doorashooyinka go’aankeeda iyo wax ka badalkeeda uu leeyahay Baarlamaanka Soomaaliya intaan la qorina ay mar hore ka wada heshiiyeen Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe.

Madaxweynaha ayaa Maamul Goboleedyada ku eedeeyey inay doonayaan in weli ay gacantooda ku jirto awoodda Doorashada dalka ka dhici doonto balse ay Dowladda Soomaaliya ka go’an tahay in awoodda loo celiyo Shacabka isla markaasna ay dalka ka dhacdo Doorasho qof iyo cod ah.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan soo gudbisay sharciga Doorashooyinka kaasoo ay si weyn uga hor imaadeen Maamul Goboleedyada iyo Xisbiyada dalka ka jiro kadib markii ay sheegeyn inay ku jiraan qodobo loogu talagalay inay Dowladda ku darsato waqti dheeri iyo sidoo kale inay dalka ka dhacdo Doorasho u daneeneyso Nabad iyo Nolol.

Dhawaan ayey aheyd markii uu Madaxeynaha kasoo laabtay Magaalada Garoowe oo uu ku sugnaa muddo 7 Maalin ah halkaas oo ay ku kulmeyn Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada balse aysan jirin wax natiijo ah oo kasoo baxday Shirkaas kadib markii ay shirka isaga baxeyn Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland oo dowladda Dhexe ku eedeeyey inaysan dooneyn in xal laga gaaro khilaafka Siyaasadeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker