Wasiirka Warfaafinta JSL Oo Khudbad Tariikhiya U Jeediyay Bulshada Tukaraq
Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore wefti uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyey deegaanka Tukaraq ee Bariga Gobolka Sool, halkaas hadalka jeediyay ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay sidii ay kor ugu sii qaadi lahayd wax ka qabashada baahiyaha bulsho ee ka jira degaanka Tukaraq, waxaanuu wasiir Saleebaan Koore intaas ku daray in Tukaraq isbadal dhanka horumarka ahi uu ka hirgalay.