Faroole Oo Eedeymo U Soo Jeediyey Maamul goboleedyada Taageersan Villa Somalia
Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe, ayaa ku eedeeyay dowlad goboleedyada taageersan Villa Somalia, in ay dano dhaqaale ilaashanayaan.
Madaxweyne hore Faroole, wuxuu sheegay in dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed ay yihiin kuwa dhulkooda inta badan la haysto, islamarkaana aan dakhli ku filan heli karin, sidaas darteedna ay u taageersan yihiin dowladda Federaalka.
“ Saddex maamul goboleed waa niman dhulkooda inta badan la haysto, magaalooyinka ku hareeraysan waardiye laga hayo, dakhlina aan heli karin” ayuu yidhi Faroole.