26 JUNE 1960: SAREEYOOW MA NUSQAAMOOW AAN SIDUU YAHAY EEGNEE KANNA SIIB KANNA SAAR

SAREEYOOW MA NUSQAAMOOW
AAN SIDUU YAHAY EEGNEE
KANNA SIIB KANNA SAAR

AUN, Abwaan C/laahi Suldaan Timmacadde
Waa Maalintii  Qaranka, Jamhuuriyadda Somaliland, waa  Maalintii aynu xornimadda qaadaney,  ka did  baadi goob dheer iyo dadaal fara badan oo ay awowyaasheen ku soo dhiciyeen Hasheenii  Maandeeq. waa  Maalinta  Qarannimadda Somaliland.   Qarankani   ma geyo in la marin habaabiyo , 26 JUNE 1960, waa  Maalin la wadda leeyahay  lawyacaddo ilaa YOOCADDA.
Sax ma aha  in   18  MAY   , laga  dhigo  maalintii  Qaranku lahaa,    18  may   maxaa dhacay?   ma xornimmo ayeynu ka qaadaney GB ?    waxaan  dood ka  qabaa  18 May  waxaan  Odhan lahaa,  maalinta Qarranku waa  26 JUNE 1960,   ha   loo soo Noqdo  maalinta saxda ah ee qarranku leeyahay, 18 MAY waa   Lugooyo  Qarrankanni  Waxuu  Xornimmo qaatey 26 JUNE 1960,  Ma mar labaad ayaa xorrnimo  aynu qaadaney?   arrinkaas sax ma aha.    Dawladda  Somaliland  waxaan Kula talin lahaa in Meesha laga Saaro  18 MAY, oo maalintii  Qarranku lahaa  la xuso oo la Xasuusto.
Waxaad Moodaa, in waxii Qarranku, Qarran ku Noqon lahaa, la ilduufaayo, ama si badheedh ah loo baal maraayo,  ogaada  Taariikhda aduunka  waxaa    Qorran 26 JUNE 1960
Waxay Wax baddan ka tarri  lahayd, Ictiraaf Raadinta  aynu u baahanahay,  Waxay wax ka tareysaa  SOMALILAND LA WADDA LEEYAHAY,   uma baahnin maanta  maalin  murran baddan  dhalisa   oo aan loo dhamayn,   Waxaan ku soo koobayaa    Dib  ha loogu Noqdo  , Maalintii  Somaliland  wadda lahayd,
keyse Kahin

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker