Maayirka Degmada Xudun Oo Ka Hadlay Mashaariic Ay Xukuumadda Ka Fulisay Degaankaas Iyo Ayax Ku Degay Beeraha Degaankaas.

Laascaanood(OWN)- maayirka degmada Xudun Faarax Cali Ibraahim oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Laascaanood ayaa Ayax faro badan oo uu sheegay in uu ku habsaday   beeraha degmada Xudun ee gobolka Sool iyo mashaariic horumarineed oo degmadaasi laga fuliyey .

Maayirka ayaa sheegay in xiligan oo uu degaanku rooban yahay uu degaankaasi faro baas ku hayo Ayax ku degay beerihii degmadaasi, waxaanu tilmaamay in ay ka maamul ahaan ku dedaalayaan sidii ay Ayaxaasi uga kicin lahaayeen beeraha uu ku degay, iyaga oo kaashanaaya shacabka degaanka iyo ciidamada Qaranka Somaliland ee degaankaas ku sugan.

degaanadda uu Ayaxu ku degay ayuu sheegay Maayirku in ay kala yihiin degaanadda Awr-Boogays, Sarmaanyo iyo Xudun  oo ka kala tirsan goboladda Sool iyo Xaysimo .

waxaanu baaq u diray wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland oo uu ugu baaqay in ay gurmad ka geysato sidii Ayaxaasi looga kicin lahaa dhulka Beeraha  ah ee uu ku degay.

dhinaca kale waxa uu Maayirka degmada Xudun ka warbixiyey mashaariicda horumarineed ee degmadaasi laga fuliyey, waxaanu tilmaamay in waqtigan la dhisay Gurigii degmada, goobihii caafimaadka, goobihii waxbarashada ,waxa kale oo uu sheegay in ay sannadkani inta aanu dhamaan  u qorshaysan tahay dhismaha wadooyin ay degmadaasi yeelato, ayna dhowaan isku xidhi doonaan tuulooyinka degmada Xudun hoos yimaada .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker