Xisbiyada gobolka Oromada oo ku dhawaaqay inay qaadaceen doorashada Itoobiya
Laba xisbi oo kamid ah kuwa ugu waaweyn deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa shaaciyay inay qaadaceen doorashada guud ee dalka Itoobiya lagu wado inay ka dhacdo horraanti bisha June ee sanadkan.
Xisbiga OLF ayaa sheegay in dowladda ay dhibaato joogta ah ku hayso madaxdiisa, isla markaana aanay xilligan u suuragali karin inay ka qeyb qaataan doorashada dalka oo ula muuqata mid aan ku dhici doonin jawi xor ah.
Doorashada Itoobiya ayaa dib uga dhacday xilligii loo asteeyay oo ahaa August 2020.