Gaadiidka qaadka siday ma sharci-darro ayaa lagula wareegay mise sifo sharci?

Markaynu ka hadlayno arrinta jaadka iyo la wareegida Gaadiidka inteena badani waynu isku raacsanahay qaadku inaanu maandooriye ahayn oo aan lagula dhaqmi Karin xeerka la dagaalanka maandooriyaha, iyadoo ay sidaa tahay hadaba suaasha is waydiinta lihi waxa weeyi lawaareegista Gaadiidkan qaadka siday ma sharci-darra lagula wareegay mise sifo sharci?

 

Jawaabta oo koobani waa sifo sharci ah ayaa lagula wareegay.

Meel fog laga dooni maayo sharciga lagula wareegay, shay kasta oo ay dawladu dalka ka joosiyo mid muddaysan iyo mid aan mudaysnay, hu’  maacuun iwm midkuu doono ha ahaadee hadii cidi soo galiso waxaynu Isla garanaynaa inuu sifo sharci daro ah kusoo galay (koontra-baan) xataa haddi aan la joojin balse uu ka baydho goobihii loogu talo galay Inuu soo maro iyaduna waa koontra-baan.

Gundtii iyo gabogabadii arintan qaadka iyo Gaadiidka lagu qabtay waa arrin koontra-baan ee maaha arin maan-dooriye

 

 

 

WQ: Maxamed Faarax Miigane

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker