Wararka Maanta Iyo Cudurka COVID19 Ee Somaliland
131 qof ayaa laga helay Cudurka COVID19, lix kalena ay u geeriyoodeen cudurkaasi afartii maalmood ee u horreeyey bishan aynu ku jirno ee March, sida lagu sheegay warbixinta maalinlaha ah ee ay soo saarto Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.
Tiradan laga helay Xannuunkan iyo tirada u dhimatay, ayaa muujinaysa halista iyo faafitaanka cudurkan ee bulshada dhexdeeda.
Bulshada Somaliland, ayaa looga baahan yahay in ay muujiyaan taxadir dheeraad ah, isla markaana ay qaataan tallooyinka caafimaadka ee loo jeedinayo.
