Degmooyinka Cadaadley iyo Sabowanaag Q.1aad: Aw Cismaanaw Miyaynaan “D” Ba Dhaafayn
Xeerka Gobolada iyo Degmooyinka “Law No.23 /2002 as amended in 2007” ayaa qeexaya sharciyadda loo maro xulista iyo qiimaynta degmooyinka ee darajooyinka A,B,C iyo D. Balse, habraaca, geedi socodka iyo farsamada hawsha loo wadaa waa mid maamul oo in badani ku xidhantay dadaalka ay u galaan dadka mudanta ah ee ka soo jeeda deegaanka danaynaya in darajo habboon amma sax ah la dhigo degmadooda, sida Reer Caynaba oo kale . Had iyo jeer ilduuf sharciyeed ayaa dhaca, habacsanaan daneeyayaasha safka hore ee deegaanada qaar ayaa iyana jirta.
Marka aynu leenahay darajo “waxa loola jeedaa maqaamka degmo loo qoondeeyay markii la qiimeeyay, waxsoo saarka, dhaqaalaha, tirada dadweynaha, baaxada dhulka IWM. Sida xeerku tilmaamayo”.
Waxa jirta degmooyin buuxiyay shuruudaha darajooyinka A, B iyo C, balse illaa hadda ku baaqi ah amma lagu illoobay “D”. Waxaana ka mid ah degmooyinka Cadaadley iyo Sabowanaag ku waas oo lagu iloobay darajada D. Ardeygu marka uu wax baranayo maalin ayuunbuu aflaxaa balse in ka badan 20 sanadood UULO uun ma ahaado amma fasalka 1aad uun kama gudbi waayo. Haddaba degmooyinkani ma waxay Somaliland u aqoonsatay Magudbayaal ! Haddaanay ahayn sidaa hadda guddi ha loo saaro soo qiimeeya. Barta uu sharci dhigana ha la dhigo. Qiimayntaa waxa ka soo baxa Wasaaradda Arrimah Guduhu ha u gudbiso Barlamaanka .
Degmooyinka dalka si guud ha loo eego oo qaranimo ku jirto. Haddii wasiirada reer hebel degmooyinkooda dabada ka reexaaan , degmooyinka aan wasiirba lahayn yaa ka riixaya dabada.
Doorashadii Golayaasha Deegaanka ee ugu danbaysay mid kood waxay heshay cod dhawr iyo sodon kun ah. Haddana wali waa D, iyada oo mutaysatay darajada B.
Waxaan maqli jiray Ethiopia waxa ku yaala jeel la yidhaa Allan-Baqa oo haddaad gasho ay adagtahay sidaad uga soo baxdaa. Waa yaabe! Darajada D , ma mid aan laga gudbinbaa, ma Allan Baqaa. Iyaga oo D ah ayay ku soo gaadheen degmooyin cusub oo gadaal la magacaabay oo G/Maroodi jeex ahi, sida, Laasgeel, Allaybaday, D-Salaam iyo F-wayne.
Xeerka Law No 23. ayaa qeexaya mar kasta oo doorashooyinka dawladaha hoose qabsoomaan waxaa degmooyinka lagu qiimaynayaa codkaasi , iyada oo loo kala saarayo darajooyinka A illaa D.
Haddaba degmooyinka Cadaadley iyo Sabo-wanaag ayaa doorashadii ugu danbaysay ee golayaasha deegaanka helay wadarta guud ee labad adegmo oo ah 46000 illaa 50000 oo cod. Haddana D ayuun bay qaniinsanyihiin.
Waxay Degmooyinkani Buuxiyeen Shuruudihii Magacaabista Degmo Ee Ahaa:
1. Baaxada Dhulka Ay Ku Fadhido.
2. Miisaanka Iyo Baaxada Dadweynaha Deegaanka Ku Nool.
3. Wax Soo Saarkeeda Iyo Khayraadkeeda Dabeeciga Ah Ee Ay Leedahay.
4. Isku Filaansho Iyo Hanashada Adeegyada Arrimaha Bulshada, ee
Degmadu Hanan Kartaa Boqolkiiba Lixdan 60% Miisaaniyadeeda Ugu
Yaraan.
Waxay Degmooyinkani Buuxiyeen Shuruudaha Qiimeynta
Faahfaahinta shuruudaha Qiimeynta ee lagu magacaabi karo Gobol iyo Degmo Ee ku qoran Qodobka 3aad farqadahiisa 1, 2, 3, 4, ee Xeerkan, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku soo saaraysa Xeer Nidaamiiye sababaynaya, waxaana ansixinaya Labadda Gole (Guurtidda Wakiiladd), sida ku cad Dastuurka Qoddobkiisa 109aad, faqradiisa 3aad.
Qalinkii: Saleebaan Aw-Cumar Macalin Gahayr
mo.omer.2014@gmail.com