Nin Qirtay In 300- Dollar lagu siin jiray Haweenka uu kufsado kadibna dilo

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay nin dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in uu kufsi iyo dil u geestay sadex haween ah, waxaana ninkan falalkan uu geestay dusha ka saaray kaniisad kutaala magaalada Kiambu ee dalka Kenya.

Paul Magara Morara, oo 29 sano jir ah ayaa qirtay in uu kufsaday kadibna dilay sadex haween ah, waxa uuna ninkan sheegay in kaniisanada kutaala magaalada Kiambu lacag ku siin jirtay haweenka uu dilo.

Ninkan oo hada ku xidhan Saldhigga Booliska ee deegaanka Ruiru ee ismaamulka Kiambu Kenya ayaa sheegay in kaniisada ku amreesay in uu dilo haweenka, waxa uuna xusay in marka uu fuliyo falka dilka ah la siinayay lacag gaadhaysa 300-Dollar.

“Kaniisadda waxaa i baray sannadkii hore saaxiibkay, qof kasta oo aad disho waxaa laguugu siinayaa lacag gaaraysa 300 oo doolar . Waxaa la ii sheegay in haweenku ay ahaayeen kuwa ugu fudud ee la dilo, ”ayuu ku yidhi Morara waaxda dambi baadhista.

Dhacdadan ayaana hadal heyn badan ka abuurtay gudaha dalka Kenya, waxaana dadku isweediinayaan ujeedka kaniisada ka laheyd lacagtana ugu bixineesay dilka haweenka loo geesanayay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker