Heshiiska Yuhuudda ama Ingiriiska iyo Mareykanka miyaa lagu gaaloobaa?

Mawaaqifta siyaasadeed ee ay xukuumadda Sucuudiga ee Maxamed Ibn Salmaan hoggaaminayaa qaadatay, aad baan uga soo horjeedaa, haddii aan Culimada Sucuudiga ka mid noqon lahaana ragga afkoodu jeelka geeyay ayaan malaha ka mid noqon lahaa, oo kollayba aan mawaaqiftooda bogaadin lahaa.

Laakiin, waxa aan wacyigiinna ku xoojinayaa mawaaqifta ninkaasi qaadanayaa waa mawaaqif siyaasi ah oo dano siyaasadeed ku dhisan, waxa loo baratamayo ee la kala riixanayaa waa masaalix, jiritaanka masaalixdana waa la isku khilaafi karaa, oo lagu kala aragti duwanaan karaa, in la isku gaalaysiiyaana sax ma aha DALIIL la’aan.

Soomaaliland hadday maanta Yuhuud la heshiiso oo Hargeysa xafiis uga furto, iyana Qudus ka furato, ku gaaloobi mayso, waxayse gelaysaa gef siyaasadeed oo foolxun, jid kasta oo la doono in lagu xajiimeeyo diin ahaanna waxa uu noqonayaa gardarro, waayo wuxuba waa faham lagu kala duwanaan karo ee daliil qadci ah oo lagu xukumo lama soo heli karo.

Mar mar baan moodaa in dadkuba wada takfiir yahay, ma tukadayaasha iyo calmaaniyiinta diintaba ka irdhoobay ayaa ugu gaalaysiin xun!

Gaalaysiintu waa xukun sharci ah oo xakameeyayaal, shuruudo iyo wax ‘diidayaal’ la yidhaahdo leh, intaynaan baddiisa gelin aynnu baabkiisa ka boganno.

Intaasi waa iga toosin iyo talo.

 

 

WQ: Dr-Abdulqani Hussein Beder

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker