Nabaddoon Xaad Oo ka Hadlay Xaaladda Magaalada Muqdisho
Nabadoon Maxamed Xaad ayaa si kulul uga hadlay rasaastii ay ciidamada dowladda saaka ku fureen banaanbaxayaal ay hogaaminayeen qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta, xili ay marayeen wadada garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Nabadoon Xaad ayaa nasiib darro umada Soomaaliyeed soo wajahday ku tilmaamay tallaabooyinkii u dambeeyay ee ciidamada dowladda ku beegsanayeen Midowga Musharaxiinta iyo dibad-baxayaasha, wuxuuna ka tacsiyadeeyay umadda Soomaaliyeed.