“Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi waxay salka u dhigtay lacagtii shilinka Somaliland ..”
Af-hayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni, ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, salka u dhigtay sicir bararkii iyo baaxaad degii lacagta Somaliland, waxaanu yidhi “Faysal Cali waraabe markasta waxa u yidhaa dadka sharciga jabiya wax halaga qabto isna waxa u tageerayaa inamada yar yar ee sharciga jabinaya, xildhibaanada qarkood waxay ku hawlgalaan waxay subixii Facebook ga ka arkaan, waxan leeyahay wax soo qorta oo isa soo diyaariya “
Buuni hadalkiisa waxa uu intaas ku daray.”Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi markay talada dalkan qabatay waxay salka u dhigtay lacagtii shilinka Somaliland oo la ogaa sida ay u baaxa-degaysay, waa xukuumad u heelan dadkeeda , maantana waxay talaabo adag ka qaaday dadkii maciishada qaliyeeya islahaa “.