Muuse Biixi Wax “Aqbalaad” La Yidhaahdo Quful Iyo Handraab Buu Ku Xidhay

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo kuwayga Somaliland la jooga ee soo doortay aan wax walba ka aqbalin, ayey xukuumadda Muqdisho lagu ilaaliyaa suuqa la dhexmaraysaa been ah inuu ” aqbalay” wada shaqeyn. Oo, talow, shirka may joogin e, yaa u sheegay? Dr. Abiy Axmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya muu odhan, Madaxweyne Muuse Biixi muu odhan, wefdigii Somaliland may odhan, saraakiishii kale ee Itoobiya may odhan, warbixintii labada dhinac may soo hadal qaadin wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, iyo xitaa wada shaqeyn. Ma miiska lagu shirayey baa u soo gudbiyey warkan? Cajiib!

Markii ay diyaaradii uu saarnaa Maxamed Cabdillahi Farmaajo hawada dhexdeeda “U-turn” ku sameynasay, ee ay halkii ay Addis Ababa qaban lahayd, Muqdisho u leexatay, ma markaas ba “aqbalaada” la alifay? Ma waxaa laga xanaaqay soo dhaweyntii Madaxweyne Muuse Biixi iyo wefdigii Somaliland? Ma waxaa laga xanaaqay go’aanka Somaliland ee ah in beesha caalamku ka soo qayb gasho wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya? Ma waxaa laga daalay baryadii Burundi iyo burustii Kiiniya?
Si kastaba ha noqotee, qofka yidhi Madaxweyne Muuse Biixi baa wax “aqbalay” been buu sheegay. Haday odhan lahaayeen, Madaxweyne Muuse Biixi baa wax maqlay, wax dhageystay, amaba wax ka soo fakaraya, waa mid la rumeysanlahaa, lakiin, wax buu ” aqbalay”,  dee mudanaha sharafta leh aqoonba uma laha. Markaa hadalkuudu waa been aad u raqiis ah.
Walee, asxaabtan Muqdisho, xitaa markay wax alifaan, wax macquul ah ma alifi karaan.
Allaa Mahad Leh
Xaaji Kariye

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker