Soomaaliya Oo Beenisay In Askar Somali ah Ka Dagaalameen Tigray

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay warar maalmihii lasoo dhaafay lagu faafiyey baraha Bulshada ee ku saabsanaa in Ciidamo Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday dalka Eratariya ay ka dagaalameen Gobolka Tigree-ga ee Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe oo ka hadlaayay Telefashinka Qaranka soomaaliya ayaa beeniyay wararka laga faafiyay Ciidanka Soomaaliyeed ee la xiriiray inay ka dagaalameen Tigree-ga, isagoo wararkaas ku tilmaamay kuwo been abuur ah.

Waxaa uu sheegay Wasiir Dubbe oo afkiisa ka dhowray dalka Eratariya in nasiib darro ay tahay in Ciidanka Xoogga dalka laga dhex raadiyo arrimo siyaasadeed, wuxuuna caddeeyay in aysan jirin Ciidamo ka dagaalamay waqooyiga dalka Itoobiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker