Qaramada Midoobay oo Ansixiyay Qaraar ka dhan ah Ururka Alshabaab

New York (OWN) – Kulan ay golaha amniga ee Qaramada Midoobay yeesheen ayaa lagaga hadlay arrimaha Somalia,

 

Iyadoo Loo coddeeyay cuna qabeynta hubka ee Saaran Somalia in la sii dheereeyo,  lagana hortago si xagjiriintu u adeegsadaan alaadaha hubka ee dilaaga ah.

 

 

Golaha amniga ee Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay DF in ay sii wado ka hortaga hababka maaliyadeed ee sharci darada ah ee kooxaha mintidiinta adeegsadaan oo Sanadkii hore uu uga soo xarooday dhaqaale dhan $21 milyan dollar

Qaraarka Golaha amniga ee QM ee  lagu ansixiyay cod dhan 13 oo ay ka aamuseen Ruushka iyo Shiinaha, ayaa mar kale xaqiijiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya .

 

Iyo mamnuucida dib u iibinta ama wareejinta wixii hub ama qalab milatari ah ee la iibiyo ama la bixiyo si ay gacan uga geystaan ​​horumarinta Ciidamada Amniga Qaranka Soomaaliya iyo waaxda amniga.

 

 

Al-Shabaab oo xidhiidh la leh Al-Qaacida ayaa weli ah kooxda ugu fir fircoon uguna adkaysiga badan qaarada Afrika, iyadoo gacanta ku haysa qaybo ka mid ah koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya,

 

Inta badanna bartilmaameedsata goobo cayiman iyo meelaha kale ee caanka ah ee caasimada Muqdisho

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker