Khuburada Caafimaadka Oo Digniin Cusub Kasoo Saaray Xaalada COVID-19 Ee Britain

Xanuunkan ay dhowaan ka soo ifbaxeen gudaha dalka Britain ayaa waxaa soo baxaya digniino ku aadan khataraha xanuunkan uu ku haya dadka Britain. Caddaymo ay soo bandigeen Saynis yahanadan Ingiriiska ayaa muujiyay in uu jiro korar cusub oo fayraskan Corona ah.

Markii ugu horreysay waxaa koonfur-bari England laga helay xanuunkan cusub ee qeybta ka ah Covid 19, kaasi oo la sheegay in halistiisa dhimasho ay aad ugu sareysa kii hore, sida ay sheegeen lataliyasha sayniska ee dawladda Ingiriiska Jimcahii.

“Waxaa jira caddeymo muujinaya in ay jirto halis sii kordheysa oo ku aadan xanuunkan cusub, kaasi oo culeys horleh ku noqonaya muwaadiniinta UK,” ayuu yidhi Patrick Vallance, oo ka mid ah khubarada Sayniska dalkaasi.

Valance ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay cilmi baaris dheeri ah si loo hubiyo dawooyinka ku haboon Virus-kan cusub, oo lasheegay in la isugu gudbin karo inta udhaxeysa 30 ilaa 70%.

Dhanka kale Maria Van Kerkhove, oo ah Sarkaal Arrimaha Farsamada ee COVID-19 u qaabilsan Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa tilmaamtay inay socdaan daraasado lagu eegayo gudbinta iyo waxyeelada nooca cusub ee qeybta ka ah Corona.

Ugu danbeentii Britain ayaa waxay diiwaan gelisay dhimashada 95,981 oo ka mid ah dadka laga helay cudurka qeybta ka ah Corona virus, waana wadarta ugu sareysa ee la xaqiijiyay intii uu xanuunkan soo ifbaxay.

 

Halkan hoose ka daawo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker