Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Oo Xaalad Caafimaad Darro Loo Dhigay Cisbitaalka Gargaar Ee Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xaalad Caafimaad oo la soo deristay loo dhigay Cusbitaalka Gargaar ee Magaalada Hargeysa.

Wasiir Kaahin, ayaa la sheegay in ay wakhtigan xaaladdiisa aad u wacan tahay, oo uu soo ladnaanayo, marka loo eego xaaladdii uu ku sugnaa markii Dhakhtarka la geeyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku booqday Cusbitaalka Wasiirkiisa Arrimaha Guddaha, waxaanu Illaahay uga baryey inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Cabdillaahi Caarshe ayaa waxa uu yidhi “Xaalada caafimaad ee wasiirka Arrimaha Gudaha somaliland mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, waa boqolkiiba boqol, ma jirto xaalad caafimaad oo laga werweraa, ilaahay caafimaadka ha u siyaadiyo Wasiirka.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker