Raiisul wasaare Hassan Cali Khayre oo Xalay u dhoofay Dalka Maraykanka si uu uga Qayb galo Shirka Baanka Adduunka

Muqdisho (OWN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay u u safray magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Wafdiga R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa Waxaa ay ka qeyb gali doonaan shirka sannadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka (IMF), waxaanuu shirkani ka dhacayaa dalka mareykanka.

R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo horumarka ay xukumadiisa ka gaadhay dhinaca deyn cafinta.

Sidoo kale R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Washington waxa uu kulamo la yeelanayaa madaxda Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka oo uu kala hadlayo in Soomaaliya lagu garab siiyo qorshaha deynta looga cafinayo iyo wakhti xaadirkan oo dalku meel wanaagsan soo gaadhay.Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay ka guul gaadhidda qorshaha deynta looga cafinayo dalka ayaa horay ugu guuleysatay shuruudihii ku xidhnaa sedaxdii waji ee ugu horreeyay, waxaana hadda si wanaagsan ku socda wajiga afaradaad (SMP4).

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker