Nuxurka Baaq ka soo baxay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Gefafka Ka Dhanka ah Warbaahinta Somaliland

 

Hargeysa (OWN)- Waxa maanta magaalada Hargeysa lagu soo gebo-gabeeyey kulan laba maalmood qaatay oo lagu Xusayey Maalinta Caalamiga ah ee Cidhib-tirka Gefafka ka dhanka ah Saxaafadda, kaas oo ay ka qayb-galeen Daneeyayaasha Saxaafadda Dalka.

Kulanka oo uu soo qaban-qaabiyey Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa gunaanadkiisa laga soo saaray war-saxaafadeed xambaarsan Baaq loo diray Xukuumadda, hay’adaha Warbaahinta iyo masuuliyiintooda, Suxufiyiinta iyo hay’adaha Caalamiga ah.

War-saxaafadeedka oo uu soo saaray Ururka SOLJA oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost Ayaa u qornaa sidan:-

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo daneeyayaasha saxaafadda Somaliland ayaa iskugu yimid xuska maalinta caalamiga ah ee ‘Cidhibtirka Gefafka Ka Dhanka ah Warbaahinta’ oo loo Asteeyay 02 November 2019, socdayna muddo laba cisho waxaanay ka soo saareen baaq ku wajahan sidii kor loogu qaadi lahaa horumarinta Warbaahinta iyo dar-dargelinta ilaalinta xoriyadda warbaahinta.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA isaga oo ka duulaya muhiimadda saxaafaddu u leedahay qaranka, isaga oo isha ku haya heerka xuquuqda warbaahinta ee Somaliland muddooyinkii u dambeeyay, isaga oo la tashi la sameeyay hay’adaha dawliga ah, kuwa madaxa banaan, ururadda bulshada rayidka ah, masuuliyiinta hay’adaha warbaahinta iyo mihnadlayaasha saxaafadda waxa uu xuska maalintan awgeed u dirayaa baaqan cidda ay khusayso.

Dawladda:

  • Ururka SOLJA waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa in ay ilaaliso, joojiso isla markaan meesha ka saarto falalka ka dhanka ah shuruucda ee lagu cabudhinayo warbaahinta, wixii gef ee dhacana loo maro nidaamka sharci ee uu jidaynayo xeerka saxaafadda JSL 27/2004, Dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee ilaalinta xoriyadda warbaahinta
  • In xukuumaddu dardar-geliso ansixinta xeerka cusub ee warbaahinta ee ay gacanta ku hayso
  • In aan suxufi amase hay’ad warbaahineed laga hor istaagin hawl-gal saxaafadeed iyo helista xog ama war muhiim u ah bulshada
  • In la xoojiyo hanaanka wada shaqayneed ee ururadda bulshada, mulkiilayaasha saxaafadda iyo suxufiyiinta, waxa kale oo muhiim ah in la kala xadeeyo mulkiilayaasha iyo suxufiyiinta oo ay dawladdu isha ku hayso gabood fallada ku dhaca weriyayaasha ee kasoo gaadha mulkiilayaasha.

Saxaafadda:

  • Waxa uu ururku uga baaqayaa mihnadlayaasha saxaafadda in ay ilaaliyaan shuruucda warbaahinta u taal, bartaanna shuruucda hagta mihnadda warbaahinta iyo in ay iska jiraan wax kasta oo aan sharciga waafaqsanayn oo u soo jiidi kara dhibaato
  • In ay ka faa’idaystaan deeqaha warbarasho ee ay bixiyaan jaamacaddaha dalku sida deeqda ay ka wada shaqaynayaan SOLJA iyo Wasaaradda warfaafintu, anaga oo ka urur ahaan ku bogaadinaynaa talaabooyinka Dhiirigalinta ah ee uu qaaday wasiirka Warfaafinta ee ay ka mid tahay in miisaaniyadda qaranka loogu daro kharash lagu horumarinayo aqoonta suxufiyiinta
  • In ay ilaaliyaan nabadda, wadda-jirka bulshada, in ay iska ilaaliyaan buun buuninta iyo faafinta wararka been abuurka ah ee sababi kara jahwareer bulsheed iyaga oo ay waajib tahay in ay dareemaan saamaynta wararkooda iyo warbixinahooda ka hor inta aanay faafin.
  • In ay ilaaliyaan Anshaxa saxaafadda ee uu soo saaray ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo faraya in warbixinadda ay fidinayaan noqdaan kuwo run ah, sugan oo dheelitiran.

Mulkiilayaasha Warbaahintu inay siiyaan Suxufiyiinta u shaqaysa xuquuqaadka ay ku leeyihiin, si ay Wariyayaashu bulshadooda ugu adeegi karaan iyaga oo aan ka war warsanayn xaaladahooda nololeed ama aan looga faa’iidaysan baahiyaadkooda Aas aasiga ah ee ay ku leeyihiin hay’addaha ay u shaqeeyaan ee sharcigu jideeyay.

Tafatirayaasha Hay’addaha warbaahintu inay xil iska saaraan masuuliyadda iyo waajibaadka shaqo ee uu saaray Xeerka Saxaafaddu ee ah in lagala xisaabtami doono wax kasta oo ay baahiyaan Suxufiyiinta ka hoos shaqeeyaa

Hay’addaha Maxaliga ah iyo kuwa Caalamiga

Ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa dhamaan hay’addaha kala duwan ee taageera Saxaafadda inay laban laabaan qorshayaashooda ku waajahan horumarinta Suxufiyiinta iyo hay’adaha saxaafadda.

Ugu danbayn Ururku waxa uu uga baaqayaa dhamaan daneeyayaasha Saxaafadda iyo cid kasta oo ku lug leh arrimaha warbaahinta inay ka qayb qaataan talaabo kasta oo lagu horumarinayo Saxaafadda isla markaana ka dheeraadaan wax kasta oo Sumacd xumo u keeni kara Warbaahinta Somaliland.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker