Ciidamada Booliska Somaliland Oo Gacanta ku Soo Dhigay Beer (Hilib) la Garan Waayey

Ciidanka booliska gobolka Gabiley ayaa gacanta ku dhigay beer (Hilib) laga keenay dalka Itoobiya, kaas oo loo iibgeenaayay magaalada Hargeysa iyo meelo kale .
Isuduwaha wasaaradda xaannada xoolaha ee gobolka Gabiley Cali Bashiir ayaa sheegay in ay sharci dari tahay in dalka Hilib la soo galiyo hilib, iyadoo aan dalka laga waayihin.
Ninka lagu qabtay beerkan ayaa sheegay inuu ka ganacsado oo uu beerkaas geeyo meelo ay ka mid yihiin Hargeysa iyo magaalooyin ka tirsan maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
Beerkan ayaa ku jiray baco iyo talaagad, iyadoo ninkii sitayna uu sheegay inuu yahay beer la soo qalajiyay oo uu horeba si caadi ah uga ganacsan jiray, una haysto liisan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker