Cristiano Ronaldo Mise Lionel Messi?

Cristiano Ronaldo Mise Lionel Messi? Arthur Melo Oo Noqday Xiddigii Ugu Dambeeyay Ee Is Bar-Bardhig Ku Sameeyay Midkooda Fiican Labada Xiddig.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Juventus ee Arthur Melo ayaa noqday xiddigii ugu dambeeyay ee is bar-bardhig ku sameeya xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Xiddiga Arthur Melo ayaa sheegay qaabka uu Cristiano Ronaldo uga fiican yahay ama uga duwan yahay xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Xiddiga reer Brazil ayaa ka garab ciyaaray labada xiddigba maadmaa uu Messi kaga soo garab ciyaaray Barcelona haatana kaga garab ciyaaro Ronlado kooxda Juventus.

“Cristiano Ronaldo waxa uu isku qeexaa in ka badan Lionel Messi, waxana uu xidhiidh dhaw la leeyahay dhamaan xiddigaha qolka labiska”ayuu Arthur u sheegay Desimpedidos.

“Waa xiddig fir-fircoon marka lagu jiro qolka labiska waxana uu la hadlaa cid walba waxana uu xidhiidh fiican la leeyahay dhamaan xiddigaha kooxda”ayuu sii raaciyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker