Dawladda Sacuudiga Oo mamnuucday Jameecada Tabliiqa Iyo Sababta?

Sacuudi Carabiya ayaa dalkeeda ka mamnuucday Jameecada Tabliiqa, iyada oo ugu yeedhay “inay halis ku yihiin bulshada,” ayna yihiin “mid ka mid ah albaabada laga galo argagixisanimada.”

Wasaaradda Arrimaha Diinta Sacuudiga ayaa ugu baaqday Masaajidda dalkaas inay khudbadda Salaadda Jimcaha uga digaan wax ay ugu yeedhay “marin-habaabinta, leexinta iyo halista” kooxdan.

Waxa sidoo kale culimada Masaajidda ku amartay inay shacabka u sheegeen in Jameecada Tabliiqa ay tahay “mid ka mid ah albaabaha laga galo argagixisanimada xitaa haddii ay sheegtaan wax taas ka duwan,” sida lagu xusay qoraalka.

“Sidoo kale, khudbadaha waa in lagu xusaa ‘khaladaadka ugu weyn ee kooxda ay galeen’ iyo ‘inay halis ku yihiin bulshada’,” ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda.

Wasaaradda Arrimaha Diinta ayaa sheegtay in kooxdan iyo kooxo kasta oo ku xidhan ay hadda kadib mamnuuc ka yihiin Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Yey yihiin Jameecada Tabliiqa?

Jameecada Tabliiqa ayaa ah bulsho faafisa diinta Islaamka, oo dad ku wacdida inay diiradda saaraan iimaankooda iyo ku dhaqanka wanaagsan ee diinta, kana leexdaan dambiyada iyo dhaqamada xun.

Waxay ka howl-gashaa in ka badan 150 dal oo dunida ah oo ay ugu weyn yihiin India iyo Pakistan, ayada oo sidoo kale si weyn uga howlgasha dhulka Soomaalida. Waxaa la rumeysan yahay inay ku xidhan yihiin dad u dhaxeeya 350 illaa 600 oo milyan.

Jameecada Tabliiqa ayaa waxaa 1926-kii dalka India, gaar ahaan gobolka Mewat, ku aas-aasay Muhammad Ilyas al-Kandhlawi, isaga oo ka jawaabaya dhaqanka bulshadiisa oo uu dareemay inuu sii xumaanayey oo ay lumiyeen qiyamkoodii.

Jameecada Tabliiqa waxay si xooggan isaga ilaaliyaan ugana fogaadaan inay siyaasadda ku lug yeeshaan, waxayna diiradda saaraan kaliya faafinta diinta.

Dowladda Mareykanka ayaa wixii ka dambeeyey weeraradii 11-kii September 2001 billowday inay il-gaar ah ku eegto kooxdan, hase yeeshee waa ay weyday wax xidhiidh oo toos ah oo ay la leedahay argagixisada. Si kastaba, Mareykanka ayaa sheegay in ururada argagixiso ay qorteen xubno ka mid ah kooxdan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker